|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaalad Laga Dayriyay oo Ka Taagan Degmada Xudun Ee Gobolka Sool
March 25, 2019 - Written by Reporter:Laascaanood (WJN) – Kumanaan qoys oo ku dhaqan degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa laga dayrinayaa kadib markii abaar aad u daran oo degaankaas ka taagan. Biyo la’aan iyo baad la’aan ayaa isugu darsamay taas oo haatan adkaysay nolosha dadka reer guuraaga ah iyo kuwa magaalooyinka ku noolba. “Biyihii way yaraadeen kuwii ceelasha laga helayeyna way adkaadeen taasina waxay sababtay in ay adkaato cabidoodu” sidaa waxaa sheegay Axmed Cali Faarax oo ah hawl wadeen u shaqeeya hayadda Candlelight oo ku sugan tuulada Laasa-curdan. Axmed waxa uu sheegay in ay jiraan xanuuno ay ka mid yihiin shuban iyo nafaqo daro baahsan oo sii kordhaysa marba marka ka danbaysa, taasna waxaa sababay abaarta oo haatan meeshii u adkayd maraysa. Sidoo kale Cabdilaahi Colujoog oo ka mid ah odayaasha degmada Xuddun ayaa sheegay in wakhtigii roobku bilaabmi jirey la joogo, wakhtiguna uu kulul yahay xoolaha wixii hadhayna ay ku waraabiyaan biyo laga keeno degaano fog. Si kastaba ha ahaatee xaalada biyaha ayaa maraysa heerkii u qaalisanayd iyadoo foostada biyaha ah lagu iibiyo 150 kun oo shilin.
Wajaalenews Desk Laascaanood Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Daawo:Mujaahid Farxaan Faacuul Oo Xukuumada Ku Eedeeyay Abaaraha iyo Sixir Bararka Dalka Aafeeyay Si... Wasiir Sacad Cali Shire oo Shacabka Reer Somaliland ugu hanbalyeeyay Munaasibada Ciidal Fidriga Daawo: Xaalada Magaalada Wajaale Khasaaraha Dhimashada iyo Dhawaaca + Magalada Oo Bandoo La Galiyay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|