“Wax kasta Oo Shacabka Reer Muqdisho Ka Qaldamay Waxa Sabab U ah, Hogaanka Siyaasadeed Ee Umada Hor Socda Oon Xaqiiqda Aan Wajahayn”,Abwaan Xasan Dhuxul. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wax kasta Oo Shacabka Reer Muqdisho Ka Qaldamay Waxa Sabab U ah, Hogaanka Siyaasadeed Ee Umada Hor Socda Oon Xaqiiqda Aan Wajahayn”,Abwaan Xasan Dhuxul.
March 29, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Abwaan Xasan Dhuxul laabsaalax oo kamida hal abuurka caanka ah gayiga somalida ayaa ka hadlay dhibta iyo qaraxyada joogtada unoqday shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho isagoo dhibtaada haysata shacabka muqdisho ku eedeeyay madaxda hogaanka u ah oo aan ahayn kuwo xal keeni kara iyo beesha caalamka oo uu tilaamay in aanu marnaba hagaagin wadan ay faro galiyeen

Abwaan xasan dhuxul ayaa arimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga kaasi oo udhignaa Sidan;

“Qaraxyada Muqdisho ka dhacaya Dadka Wax ku noqonayaa Waa Dadka Masaakiin ah oo aan Waxba Galabsane ilaahay Dhibaatada Ha Ka Saaro,

deeqaha Iyo Caawimaada aduunyadu Somalia Siinayso nasteexo Kama aha, waayo, ma jiro dal Shisheeye nabadiisa, Iyo ciidankiisa Faragaliyeen oo Hagaagay.

Wax kasta oo Shacabka Reer Muqdisho Ka Qaldamayna aWaxa sabab u ah hogaanka Siyaasadeed ee umada hor socda oon Xaqiiqda aan Wajahayn,

In Golaha Amaanku Been Cad shacabka reer muqdisho, iyo siyaasiyiintooda u sheegayaana Waxa Tusaale Kuugu Filan warbixintii Golaha Amaanku Shalay Soo Saareen, ee ahayd, 2021 Doorasho” One man One Vote ah muqdisho Ha laga qabto,

DOORASHO iyo NABADGALYO SE Midkee Horaysa

Awooda shacabka Ma jirto Awood ka Wayni shacabka reer muqdisho ha isku Tiirsadaan oo runta Ha wajahaan,

 

COMMENTS
LINKS