Wasiirka Gaadiidka iyo Maareeyaha Hay”adda Wadooyinka oo Kormeeray Dhismaha Jidka Isku Xidha Somaliland iyo Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Gaadiidka iyo Maareeyaha Hay”adda Wadooyinka oo Kormeeray Dhismaha Jidka Isku Xidha Somaliland iyo Jabuuti
March 31, 2019 - Written by Reporter:

Borama (WJN)–  Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ay weheliyaan Maareeyaha Hay”adda Wadooyinka iyo maamulka gobolka Awdal, ayaa maanta kormeer ku tagay halka uu marayo dhismaha Jidka isku xidha dalalka Somaliland iyo Jabuuti.

Sidoo kale weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, ayaa kormeer ku soo maray halka uu marayo dhismaha Biriijka isku xidhaya magaalada Boorama iyo Jaamacada Camuud.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland ayaa sidoo kale xadhiga ka jaray xafiis ay wasaaraddu ku yeelanayso magaalada Boorama.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku kulan la yeehsy shaqaalaha wasaarada ee magaalad Boorama, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageystay isuduwaha wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee gobolka Awdal Kulmiye Cabdi, Guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali iyo maayirka magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi.

isuduwaha wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee gobolka Awdal Kulmiye Cabdi oo kulankaasi ka hadlay ayaa ka warramay muhiimada uu xafiiskani u leeyahay qaranka, wuxuuna sheegay in xafiiskani bixin doono liisamada gaadiidka ee gobolka.

Dhankoodana, Guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali iyo maayirka magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi oo halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyey wasiirka hirgelinta xafiiskan, waxayna tilmaameen in uu wax weyn ka tari doono baahiyaha bulshada magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal.

Gabagabadii waxa uu wasiirku masuuliyiinta wasaaradda ee gobolka ku wareejiyey gaadhi Seeraf ah oo qayb ka qaadan doona horumarinta hawlaha xafiiska.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Borama Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS