Wasiir Ku-xigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya oo Lagu Dilay Weerarradii Ka Dhacay Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Ku-xigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya oo Lagu Dilay Weerarradii Ka Dhacay Muqdisho
March 23, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa maanta ku geeriyooday weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday xarunta Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxana geeridiisa xaqiijiyay qaar ka mid ah golaha Wasiirradda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, isla markaana dabley ka tirsan ay gudaha ugu jiraan dhismaha wasaaradda.

Dhinaca kale ciidamad dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarkii wasaarradda iyaga oo toogasho ku dilay afar dabley ah.

Dhismaha la weeraray ayaa waxaa degan laba Wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha.

COMMENTS
LINKS