Wasiir Hore oo Ka Digay Xaalufin Lagu Hayo Buuraha Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Hore oo Ka Digay Xaalufin Lagu Hayo Buuraha Dalka
March 31, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)-WasiirkiI Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Dr Cumar Shacayb Maxamed, ayaa ka digay xaalufin lagu hayo qaar ka mid ah Buuraha dalka, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu talaabo adag ka qaado dadka iyagu buurahan xaalufinta ku hayo ee dhagaxaanta iyo ciidda ka guranaya.

WasiirkiI Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Dr Cumar Shacayb Maxamed oo Wargeyska Geeska Afrika soo gaadhsiiyey qoraal uu arintan ka hadlaya ayaa wuxuu u dhignaa qoraalkiisu sidan  “Buuraha Magaalada ku dhex yaala shaqsi malaha cid gaari ahina ma laha ee  waxay qayb ka yihiin bilicda iyo quruxda Wadanka, Magalooyinka iyo Deegaanada hadba ay ku yaalan, runtii Waxaad arkaysaa muddooyinkan dambe in Magalooyinka waxii Buur ku taalay in la boobayo, oo la jafaayo,  waxaana dhab in darasaadaha kala duwan ee Caalamka laga sameeyey in Buuraha oo la gurtaa ama la qotaa inay khal-khal keenayso, waxaana ka dhalan kara dhas iyo siigo marka laga guro dhagaxantii, waxaanay sababi kartaa Cafimad daro weyn. Illaahay ayaa xigmad iyo miisaan uga dhigay dhulka.

Waxay Babinta buuruhu Soo Dedejinayaa Cimilada Dhulka Oo Is Bedesha iyo dabaylo, markaas ma wacna in Buuraha la galiyo cagafayo baabinaya  ciidii iyo dhagaxantii, mana wacna in khayraadka dabiiciga ah ee ALLE ina siiyey in dano shaqsiyana lagu baabinayo, horseedna laga noqdo in la dhalan rogo abuurta Illaahay ee ay ka mid yihiin Buuraha, oo wax tar balaadhan inoo leh, shaqsiyaadka iyagu sida gaarka ah Buuraha u qota waa inay ogaadan faa’iidada, waxtarta iyo qiimaha ay Buuruhu leeyihin, isla markaana waa inay ogadaan inay Buuruhu khariirada guud (Mapka guud) iyo ka istaaratiyada dhulkaba inay dhibaatooyin hor leh ka ilaaliyaan”.

Mar uu Madaxweynaha iyo Wasaaradda Hawlaha guud uu baaq u diraayey ayaa yidhi “Madaxweynaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud  waxaan odhan lahaa  hadan laga hortegin oo awood Dawladeed iyo mid sharci aan wax lagaga qaban in dadka Buuraha qodonaya saamayn taban ayey inagu Keeni Doonto, Berbera Hargeysa Intaba Buurihii  Shaqsiyaa Iska Mamusha. Buuraha qaar ayaa Chemico noqon kara, qaar ayaa noqon kara Macdan Wadanka u dana, ee  Madaxwayne arintaa buuraha indhahaaga ku Soo eeg, Madaxweyne waa inaad talaabo adag, awood dawladeed iyo mid sharciba wax kaga qabataa xalufinta lagu hayo buurihii dalka, si aanay saamayn taban inoogu yeelan”

 

Source: Geeska

COMMENTS
LINKS