Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Qaban Qaabada Shirwaynaha Xisbiga DDSI Iyo Khudbadihii Masuuliyiinta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Qaban Qaabada Shirwaynaha Xisbiga DDSI Iyo Khudbadihii Masuuliyiinta!
March 31, 2019 - Written by Editor:

JIG JIGA(W,N) Shirwaynaha xisbiga Dimuqraadiga shacaba somalida Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu furmo maalinta bari ah kaasi oo qaban qaabadiisu maalmihii ugu danbeeyay uu ka socday magaalo madaxda ismaamulka somalida itoobiya.

Shirarka hordhaca ah ee shirwaynaha xisbiga Ismaamulka somalida itoobiya ayaa waxaa khudbado udiyaar garowga shirwaynaha iyo caqabadaha horyaala ka jeediyay gudoomiyaha xisbiga axmed shide ahana wasiirka maaliyada fadaraalka itoobiya,

Sidoo kale Madaxwaynaha Ismaamulka Somalida itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa is dhankiisa ka hadlay muhiimada shirka iyo kala aragtidu duwanaashaha shacabku in tahay muhiim ka jeediyay isagoo dhanka kalena ka jawaabay su,aalo ay waydiiyeen qaarkamida xubnaha ergooyinka ka qaybgalaya shirwaynaha xisbiga.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

https://youtu.be/fPkRe6MAlcA

COMMENTS
LINKS