Wararkii U Dambeeyay Ee Khasaarihii Ka Dhashay Qaraxyadii Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii U Dambeeyay Ee Khasaarihii Ka Dhashay Qaraxyadii Muqdisho
March 23, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Inta la ogyahay sideed qof ayaa ku dhintay 11 kalena way ku dhaawacmeen weerar maanta galinkii hore ka dhacay magaaalada Muqdihso, oo lala beegsaday dhismeyaal ay ku yaallaan labo kamid ah wasaaradaha Soomaaliya.

Gaari gurmadka degdeg ah oo caawinaya dad ku dhaawacmay qarax hore oo ka dhacay Muqdisho

Weerarka ayaa ku bilaabmay qarax gaadhi loo adeegsaday, rag hubaysan ayaana qaraxa kadib gudaha u galay dhismeyaasha. waxayna muddo raasaas iswaydaarsanayeen ciidamada ammaanka oo isla markiiba goobta gaadhay, sheegayna in ay laayeen raggii weerarka gaystay.

Dadka weerarka ku dhintay ayaa isugu jiray kooxihii weerarka soo qaaday, ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah oo ay kamid ahaayeen shaqaalihii wasaaradahaas.

Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqaada iyo arrimaha bulshada ayaa kamid ahaa dadkii weerarka ku dhintay.

Xildhibaan Saqar ayaa golaha baarlamaanka Soomaaliya kusoo biiray sanadkii 2016-kii waxaana lagasoo doortay magaalada Kismaayo. Wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada wax kusoo baratay dalka Malaysia.

Dhismahayaasha weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ka hawgali jiray wasaaradaha Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo tan Shaqada iyo arrimaha bulshada.

Ururka Alshabaab ee ka dagaallamaya Soomaaliya ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

Horraantii bishan, dad kor u dhaafaya labaatan qof ayaa ku dhintay weerar socday ku dhawaad 24 saacadood oo ka dhacay waddada Maka Al mukarramah.

Ururka Alshabaab ayaa kordhiyey weerarrada ay ka gaystaan qaybo kamid ah Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan weerarro dhanka cirka ah oo si isdaba joog ah loola beegsanayey goobaha ay Soomaaliya kaga sugan yihiin.

COMMENTS
LINKS