|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilka Qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel Ku Sameeyey Xubno Ka Mida Xukuumaddiisa
March 30, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo); Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle; Ku: Maxamed Muuse Abees Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa: 1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. 2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga. 3. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada Ku: Xasan Hirad Yaasiin Ku: Ayaanle Salaad Diiriye Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Magacaabida Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga 2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 3. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda 4. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka 5. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 6. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah 7. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha 8. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye 9. Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha 10. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 11. Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda 12. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta 13. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya 14. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer.
ALLAA MAHAD LEH Related posts:Daawo:Xildhibaan C/qaadir Jirde Oo Budka Soo Dhigay Bangiyo Dibada ah Oo Ay Xukuumada Iyo Xisbigeeg... Garaadka Guud Ee Beesha Fiqishini Oo Lagu Soo Dhaweeyay Deegaanka Adhi-caddeeye Ee Gobolka Sool. Halkan Ka Daawo-"Dawlada Djabouti Door Intee Leeg Ayey Ku Lahayd Hirgalintii Warshada SBI Cocacola S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|