|
|||||
WAJAALE NEWS
Wakhtiyada Ugu Fiican Ee Wax La Akhristo!
March 6, 2019 - Written by Editor:1: Salaada subax ka dib ( xiligan waxad heli kartàa hal saac oo Aad waxbadan ku akhrisan karto kadibana aad isku diyaariso Aadida goobtaada waxbarasho. NB: ha Ilowin Inaad soo kacdo Salada subax ka Hor hal saac inta aan la tukan kadibna sunayso oo alle bari na akhriso kitaabka Quraanka kariimka ah. 2: 4:00-6:00 oo galabnimo ( waa wakhti ku fiican wax akhrinta balse waxaa wanaagsan markad 1:00 oo duhurnimo ka timaado Goobta waxbarsho inaad seexato si galabti adigo faresh ah aad wax u aqrisato). 3: 8:00—11:00 fiidnimo (waa xilli ku wangsan wax aqrinta waayo waa xilli buuqa guriga yaraatay oo aad wax aqrinta aad u bogayso. N:B Inta u dhaxayso Salaada maqrib iyo salaada cisho waqti sii qoyskaaga lana cashee). Isku soo wada duubee Waxaad wax aqrisatay LIX SAACADOOD. Iska jir inaad wax ka aqriso laabtoob/kumbiyuutar ama mobile/tap waayo waxaa suura gal ah in:
Waxaa jiro waqtiyo ay aad ku anfacayn inaad aaladahan wax ka aqristo : □ waa markaad gaari saaran tahy oo aad u socto goobta wax barsho ama u socto guriga. □ xiliga breaktime ka ee goobta wax barasho. □ markay baaqato xisad aad ku soo tala gashay ee goobta waxbarsho . □ imtixaanka oo ka dhiman waqti yar oo aad isha marinayso waxaad horey u soo aqrisaty. □ IWM Waqti walba wax wax waad aqrisan kartaa waa hadii ay jiraan wax ku riiixayo ama kugu dhiiri galinayo, Tusaale ahan. ♤ Imtixaanka oo soo dhaw ♤ Pressentation laga rabo ♤ Hadii aad xifaaltan kula jurto qof kula galaas ah ♤ Maseer ♤ Saaxiibkaga oo hortaada wax ku aqrisanayo ♤IWM MAR-MARSIIYO MALAHAN WAX AQRINTA ◇MEEL WALBA WAX WAD KU AKHRIN KARTAA◇ Muhiimadu waa inaad dhug u leedahay waxaad Akhriyayso. Waa Iga waano DANTAADA ADAA YAQAAN. QALINKII; CUMAR MAXAMUUD GAHAYR.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|