|
|||||
WAJAALE NEWS
Waftigii Eratariya oo Ku Laabtay Dalkooda iyo Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Sagootiyay
March 20, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Weftigii ka socday dalka Eriteriya ee uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah uga amba baxay dalka Somaliland, waxana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ku sii sagootiyey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon). Weftigan oo muddo saddex maalmood ah booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana kulamo kala duwan la qaatay hay’adaha kala duwan ee qaranka, sidoo kalena booqasho indho-indhayn ah ku soo maray qaar kamid ah xarumaha hay’adaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo suuqyada kala duwan ee caasimadda Hargeysa, ayaa indhahooda kusoo arkay nabadda iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaaday Somaliland. Sagootinta weftigan waxa sidoo kale qayb ka ahaa wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kale oo xukuumadda katirsan.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:DAAWO: Xildhibaan Obama Oo Soo Bandhigay Musuq-Maasuq ba' an oo ka jira Golaha Wakiilada s/land IYO ... 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐘𝐮𝐫𝐮𝐛 O𝐨 D𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐝𝐡𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐱𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝d𝐚 Somaliland 𝐢𝐲𝐨 Xisbiyadda 𝐦𝐮𝐜𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥... DAAWO:Marwada Madaxwaynaha Aamina Weris Iyo Wefdi Ay Hogaaminayso Oo Maanta Deeq Gaadhsiiyay Degmad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|