Trump oo Cashuuro Dib Ugu Soo Rogaya Badeecadaha Hindiya iyo Turkiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Trump oo Cashuuro Dib Ugu Soo Rogaya Badeecadaha Hindiya iyo Turkiga
March 5, 2019 - Written by Reporter:

WASHINGTON. D.C (WJN)- Dawladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay soo afjarto naasnuujin ganacsi oo ay u samayn jirtay dalka Hindiya, qorshahaas ayaana ogolaanaya in qaar ka mid ah badeecooyin kooda ay dalka Maraykanka u iibgeeyaan iyadoo aan wax cashuur ah la saarayn.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Hindiya ay ku guuldarraysatay in ay xaqiijiso in ay si macquul gal ah ugu furto suuqyadeeda.

Maraykanka ayaa sidoo kale soo afjaraya hannaan ganacsi oo Turkigu uu faa’iido badan ku qabay, wuxuuna sheegay in aanu buuxin shuruudihii looga baahnaa.

Waa dadaalkii u dambeeyay ee uu Maraykanku kaga hortago ganacsiyada uu u arko in ayna caddaaladda ahayn una cuntamayn.

Trump ayaa dalbaday in uu dhimi doono isu dheeli tir la’aanta alaabada Maraykanka loo suuqgeeyo iyo kuwa uu isagu caalamka u iibgeeyo.

 

Source: BBC

COMMENTS
LINKS