|
|||||
WAJAALE NEWS
Trump oo Beddelay Amarkii Obama Ee Sheegista Khasaraha Rayidka
March 7, 2019 - Written by Reporter:WASHINGTON. D.C (WJN)- Madaxweyne Donald Trump ayaa saxeexay wareegtadan arbacadii shalay, waxaana ay meesha ka saareysaa wareegto madaxweyne oo uu hore u soo saaray madaxweynihii isaga ka horeeyay Barack Obama, sanadkii 2016kii. Wareegtadaasi Obama ayaa qeyb ka aheyd dadaal la doonayay in howlgaladda ciidamada Mareykanka gaar ahaan duqeymaha ay fuliyaan Dayuuradaha Droneska ay noqdaan kuwo daah furan, gaar ahaan goobaha colaadaha. Trump ayaa wareegtadan laalay shalay sida uu shaaciyay Aqalka cad. Wareegtada ayaa lagu yidhi “shacigan uu saxeexay Obama ayaa ka doonaya ciidamadeena kuna qasbaya inay soo wariyaan khasaaraha ka dhasha duqeynta. Mana aha mid wax weyn soo kordhinaya ee waa mid ka jeedinaya xirfadlayaasheena dhinaca sirdoonka inay howshooda qabsadaan.” Wareegtadan ayaa fareysay bahda sirdoonka Mareykanka inay soo bandhigaan sanad walba 1 da bisha May inay soo gudbiyaan –warbixin aan la shaacin oo kooban oo ku aadan tirada weerada cirka ee la fuliyay, meelaha lala beegsaday iyo khasaaraha ka soo gaadhay dadka rayidka ah. Hase yeeshee saraakiil ka risan Aqlka Cad oo difaacayay sharciga lagu laalay wareegtadii Obama ayaa sheegay in Mareykanku ay ka go’antahay u hogaansamidda dhamaan sharciyada caalamiga ah ee colaadaha hubeysan, oo ay ku jirto ilaalinta in shacab ay waxyeelo ka soo gaadho, haddii ay dhacdana la qaato masuuliyadda. Meelaha uu Mareykanka weerarada cirka ah uu ka geysto waxaa ka mid ah Soomaaliya, Yemen Afghanistan, xuduudda Pakistan, iyo dalal kale oo ku yaala Bariga Dhexe. Intii uu xukunka hayey madaxweyne Trump ayaa Mareykanku uu fuliyay 2,243 weerar oo dhinaca cirka ah. Labaddii sanno ee ugu horeysay Madaxweyne Obamihii isaga ka horeeyayna waxay ciidamada Mareykanku fuliyeen 1,878 weerar oo xagga cirka sida lagu shaaciyay warbixin ay soo saartay Xarunta Dabagalka Saxaafadeed ee UK, oo ay soo xigteen wabaahinta mareykanka ee arrintan wax ka qoray. Soomaaliya oo kaliya, sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM dayuuradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa ka fuliyay Soomaaliya 35 werar sanadkii 2017, kii horeeyay waxey fuliyeen 47 weerarar. Sanadki tagay ee 2018ka, wuxu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya ilaa iyo 50 weerar oo dhinaca cirka ah, halka dhowrka bilood ee sanadkan 2019ka uu fuliyay 23 weerar. Mareykanka ayaa sheegay in weeraradaa ay ku dileen boqolaal Maleeshiyada ururka Al-shabab ah, laba ka mid ah hogaamiyeyaashoodii ugu sareeyay, saraakiil iyo xubno argagixiso shisheeye ah.
Source: VOA Related posts:DAAWO;-Kulan Lagaga Hadlayay Teknoolajiyada Iyo Maamul Wanaag Oo Lagu Qabtay Wasaaradda Isgaadhsiint... Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo Dharkii Ciida Gudoonsiisay Caruurta Darbi Jiifk... Jaaliyada Reer Somaliland Ee Magaalada Birmingham Oo Calanka Somaliland Ka Taagtay Magaalada Birming... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|