Soomaaliya oo Sheegtay In Marnaba Aanu Wada Hadal Ka Furneyn Muranka La Xidhiidha Xudduud Baddeedka Ee Kala Dhexeeya Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaaliya oo Sheegtay In Marnaba Aanu Wada Hadal Ka Furneyn Muranka La Xidhiidha Xudduud Baddeedka Ee Kala Dhexeeya Kenya
March 5, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)– Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa sheegay in marnaba aanu wada hadal ka furneyn muranka la xidhiidha Xudduud Baddeedka ee ka dhaxeeya labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in taa macnaheedu aheyn in labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya sidaa ku dhamaanayo xidhiidhkoodii soo jireenka ahaa daris-nimo iyo waliba Diblomaasiyaddeed.

Khadar ayaa intaa raaciyay in soo afjarida khilaafka iyo muranka Badda ay u taalo maxkamada Cadaallada Dunida ee ICJ , dowladda Soomaaliya-na qorshaheedu yahay in halkaa lagula kala baxo oo kaliya.

“Soomaaliya iyo Kenya waa labo dal oo walaalo ah, daris ah, xidhiidh qota dheer oo isugu jira dhanka walaalnimada, bulshada iyo dhaqanka ayaana ka dhaxeeyay. Xidhiidhkaasi wuu jiraa waxbana iskama baddalin. Arrinta badda oo ay dadku mararka qaar soo hadal qaadaanna waa dacwad hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, iyada ayaana ka dhur sugeynaa go’aankeeda”.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay warar sheegaya in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya bishan 12keeda kulan ku yeelan doonaan magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaa oo ay uga wada hadlayaan sidii loo xalin lahaa khilaafka ka abuurmay dhulka lagu muransan yahay ee Xudduud Baddeedka labada wadan, kaddib markii dowladda Kenya ay dhawaan shaacisay in ay xidhiidhkii Diblomaasiyadeed u jirtay Soomaaliya.

Laakiin marka la eego hadalka Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya wada hadalka la sheegay in labada madaxweyne ka yeelanayaan arrintan.

 

COMMENTS
LINKS