Somaliland Si Hagar La’aan ah Ayay Dhinaceeda U Wada Fulisay Qodobadii Heshiisyada Dekedda & Saldhigga, Laakiin Halka Mad-madawgu Ku Jiraa Waa Dhinaca Imaaraadka”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Si Hagar La’aan ah Ayay Dhinaceeda U Wada Fulisay Qodobadii Heshiisyada Dekedda & Saldhigga, Laakiin Halka Mad-madawgu Ku Jiraa Waa Dhinaca Imaaraadka”Cali Guray.
March 9, 2019 - Written by Editor:

SAFAR SALAAMA INSHA ALLAH MADAXWAYNE

(Xisaabi Xil Ma Leh Hadaan La Xumayn)

Maansha Allah waa Madaxwayne Muuse Biixi oo maanta u kicitimay dalka Imaaraadka Carabta. Marka hore safar salaama marka xiga anigu waxan u arkaa in madmadowyo badani ka jiro dhinaca heshiisyadii ay Somaliland la gashay Imaaraadka dabcan Madaxwaynaha iyo xukuumadiisana looga fadhiyo inay si faahfaahsan wax ugu iftiimiyaan shacbiga Somaliland oo runtii iyo beentii ku jaho-wareersan xaqna u leh inay helaan xaqiiqada jirta, Gaar ahaan faa,iidada dhinaca Somaliland ugu jirta heshiiska Saldhigga Milatariga iyo waxa aynu siisanay ee inooga danta ah.

Sida aynu wada ognahay Somaliland si hagar la’aan ah ayay dhinaceeda u wada fulisay qodobadii heshiisyada dekedda iyo saldhiggu ay ku waajibinayeen laakiin halka madmadawgu ku jiraa waa dhinaca Imaaraadka dawlad iyo shirkadba. Tusaale ahaan DP World Berbera waxay ahayd inay noqoto shirkad la wada leeyahay oo xarunteedu ay tahay Berbera oo ay hagayaan hawlaheeda oo dhan Gole Agaasin (Board of Directors) lagu wada jiro kuna salaysan sida saamiyada loo kala leeyahay oo dabcan waafqsan heshiiskii sadex-geesoodka ahaa taasoo la tebayo oo ilaa hadda maqan ahaydna inay la jaanqaado dhismaha qaabka heer dhiska bilawga ee qaabka Shirkadda DP WORLD BERBERA. In kasta oo aan warar faahfaahsan laga haynin hadana dadku waxay arkaan in DP WORLD BERBERA ay toos u hoos tagto lagana maamulo Jebel Cali Dubai oo leh 100% talo-go’aaminta taasoo aan meelna kaga xusnayn heshiiskii sadex-geesoodka ahaa kana horimanaysa. Waxqabad la taaban karo ilaa haddda waxa jira toosinta maaraynta siiba maamulka shaqaalaha iyo shaqadooda iyo qalabayn casri ah oo wax badan ku soo kordhisay socodsiinta hawlmaalmeedka dekedda. Geesta kale mudadii Jebel Cali ay tooska u maamulaysay Dekedda Berbera cid la og “maxaa galay iyo maxaa ka soo baxay” adeega dekedda waxad moodaa in aanay jirin waxa keliya ee la ogyahayna waa in aanay miisaaniyadda Somaliland ku jirin dakhli ka yimi adeega dekedda.

Heshiiskiii dawladda Imaaradka iyo Somaliland ee Saldhigga Milatarigu wuxu ahaa kii labada aqal ee baarlamanku ay fadhiga wada jirka ahaa ku ansixiyeen ee muranka badan dhaliyay. Yeelkii ee hadabana waxa jiray qodobo aan la faahfaahin oo lagu heshiiyay. Dawladda Somaliland sidii heshiisku ahaa markiiba Madaarkii Berbera waxay si buuxda ugu wareejisay Imaaraadka lakiin ilaa hadda dhinacooda Imaaraadku waxba kamay fulinin arimihii heshiiska ay ku galeen. Waxa ka mid ahaa Madaar cusub inay Berbera ka dhisaan iyo waddo cusub oo Berbera/Wajaale ahayd inay dhisaan. Waxa kaloo ka mid ahayd dhismaha Xoogaga Amniga ee Somaliland oo ay wax ka tarayaan. Iska daa mashaariic kale eh sadexaad mashruuc oo iyaga si cad heshiisku ugu waajibinayay midna far may saarin keliya Madaarkii Berbera ayay ka dhisteen Saldhig aan hawada uun ahayne ay dekadona ku jiraan.

Marka ay intaa aynu soo sheegnay iyo kuwo badan oo kaleba ay jiraan safarkan madaxwaynuhu waa muhiim shacbiga Somaliland ee madaxwaynaha u doortayna way uga fadhiyaan in xukuumadiisu ay si dhab ah ula xisaabtanto Imaaraadka Carabta wax bisil oo aan caydhiin iyo yacyacood midna ahayna uu waftiga Madaxwaynuhu kula soo noqdo dalka hadii Alleh yidhaa.

Ilaahayana ha soo nabad celiyo.

Siyaasi cali Maxamed Yuusuf (cali guray.

COMMENTS
LINKS