|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland oo Safaarad Ku Yeelanaysa Dalka Turkiga
March 11, 2019 - Written by Reporter:Istanbul (WJN)- Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland Mudane Maxamed Muuse Abees oo mudooyinkii u dambeeyay socdaal-shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan kula qaatay Dalkaasi Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Turkiga. Wasiir Abees ayaa kulan la qaatay laba masuul oo kala ahaa Xoghayaha Arimaha Afrika U Qaabilsan Turkiga Ahmed Rıza iyo Uqaabilsanaha wada hadalka Somaliland iyo Somaliya Olgan Bekar. Kulankan oo ka qabsoomay Wasaaradda arrimaha dibadda Ee Turkey-ga, ayaa waxaa ay lagaga wada hadlay, Sidii loo adkayn laha xidhiidh-ka ka dhaxeeya labaa dal, isla markaana loo furi lahaa xafiiska Somaliland ay ku yeelan doontoTurkey-ga,iyagoo taas-na soo dhaweeyay. Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Msasuuliyiintan ayaa sidoo kale ka wada xaajooday Deeqaha waxbarashada, Mucaawinooyinka, Biyaha,Wadooyinka,Beeraha iyo Arrimo kale.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/4xCBC99-fs0 Related posts:Daawo:-Xukuumda Somaliland Oo Mar Kale Ka Hadashay Xiisada Ganacsade Axmed Geelle Iyo Djibouti DAAWO; Weftigii Wasiirka Madaxtooyada Oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo Xadhigana Ka Jaray 10-KM Ee Wa... “Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Isboortigga Miisaaniyaddeedu Waxay Ahay $950,000 Sanadkiiba Oo Keliya ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|