|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland oo Ka Hadashay In Wefti Ka Socdaa Ay Booqasho Ku Tageen Isreal
March 30, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Warar sheegaya in Wefti ka socda Somaliland uu booqasho qarsoodi ah ku tagay Dalka Isreal. Labadii Maalmood ee u dambeeyay ayaa waxa Baraha Bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka la isku waydaarsanayey Warar sheegaya in Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Somaliland uu booqasho ku tagay Isreal. Laakiin, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Somaliland, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug oo ka hor intii aan Maanta loo Magacaabin Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka ayaa waxlaga waydiiyay waxa ka jira in Wefti Somaliland ka socdaa tageen Dalka Isreal. “Wasaaradda Khaarajigu iyadaa og Wufuudda ka baxaya Somaliland ee Dalka dibeddiisa tagaya, waxaanan kuu xaqiijinayaa Wefti aanu ka war qabno oo shaqo ama Hawlo kaleba u tagay Dalka Isreal.” Wasiir ku-xigeenka oo la waydiiyey Dalalka uu Safarka ku tagay Wasiirka Dastuurka oo ah Masuulka loo tuhmay inuu Isreal tagay, waxaanu ku jawaabay “Wasiirka (Dastuurka Somaliland) muu tagin Dalka Isreal, sidaanu ka war qabno, laakiin wuxuu u baxay Safar kale oo shaqo oo Afrika ah..” ayuu yidhi. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Ardaydii Reer Somaliland Ee Ku Sugan Gobolka Tigray Oo U Jawaabay Wasaarada Waxbarashada, kana Warbi... “Runtii Ismaan lahayn Waxaan Maanta Arkay, Ayaa Meesha Yaala, Laftii farowayne Ee Ay 89kii, Iigu Dan... Wajaale; Beelo Taageero Balaadhan U Muujisay Musharixiinta Maxamed Cismaan Liimo Iyo Eng Maxamed Day... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|