“Shirkayagu Arrin Dawladeed Ma Ahyn Maanta Ee Mid Qabiil Bay Ahayd, Reer Baanu Ahayn Danahooga Ka Shiraya”.Xildhibaan Indho Indho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Shirkayagu Arrin Dawladeed Ma Ahyn Maanta Ee Mid Qabiil Bay Ahayd, Reer Baanu Ahayn Danahooga Ka Shiraya”.Xildhibaan Indho Indho
March 26, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ahaa xubnihii maanta ka qayb-galay kulanka ay wada yeesheen Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, Wasiirrada iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Gobollada Sool iyo Sanaag, oo ka  dhacay Xarunta Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inay ka wada-hadleen danahooda Beelahooda.

“Reer baanu ahayn Danahooga ka shiraya, Arrin Dawladeed ma ahyn Maanta ee mid Qabiil bay ahayd, maalmaha qaar waanu shirnaa, maalmaha qaarkood waanu cibaadaysannaa, laakiin Maanta danahayaga ayaanu ka shiraynay.”ayuu yidhi xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho.

Xildhibaanka oo la waydiiyey in kulankoodu daarranaa in la furmaadiyo Musuq-maasuqa loo haysto Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay inaanu jirin musuq maasuq lagu haysto Wasiirka oo laga been sheegayo.

“Meelo wax laga cunaba marka horeba la nama geynin, meelaha wax yaallaan baa wax laga cunaa, mid wax laga cunaba ma joogno, markaa waa been Warkaasi (in Wasiirka gaashaandhigu musuq sameeyay)…”ayuu sii raaciyay.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS