Shirka Qaramda Midoobay Ee Arrimaha Deegaanka oo Maanta Furmaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirka Qaramda Midoobay Ee Arrimaha Deegaanka oo Maanta Furmaya
March 11, 2019 - Written by Reporter:

Nairobi (WJN)- In ka badan 4,700 oo isugu jira Madaxweyneyaal, Wasiiro, Ganacsato waaweyn, Saraakiil sarsare oo ka tirsan Qaramada Midooobay iyo dad matalaya ururada bulashada ayaa maanta isugu imanaya shir ka dhacaya magaalada Nairobi oo lagu lafa-guri doono deegaanka.

Shirkan ayaa ah kii afraad oo socon doono 11ka ilaa iyo 15ka bishan March, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha deegaanka iyo wax soo saarka.

Shirkaan dadka ka soo qayb galaya waxa ay ku laba jibaarmayaan kuwii ka so qayb galay kulankii kan ka horeeyay ee dhacay bisihii Decembar ee sannadkii 2017-kii. Waxaana ka soo qeeyb galaya hogaamiyaal caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Kenya, Emmanuel Macron iyo Uhuru Kenyatta, iyo maareeyaasha shirkadaha waaweyn.

Waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan natiijoyin wax ku ool ah, marka uu soo dhamaado shirkaan shanta maalmod socon doona.

Ajandayaasha miiska saaranna waxaa ka mid ah sidii deeganka badda looga difaaci lahaa wasaqeeynta, gaar ahaanna caagagga, sidiii loo yaren lahaa qashinka iyo sidii loo casriyan lahaa tignoologiyadda, taas oo gacan ga geeysan karta Isbedlka Cimilada.

Go’aamada ka soo baxa shirkaan ayaa waxa ay waddada u xaadhayaan heshiiskii Isbedelka Cilmilada ee magaalada Paris, sidoo kale waxaa uu shirkan waddada u xaadhayaa shirka Isbedelka Cimilda ee Qaramada Midoobay ee sannadkan 2019-ka.

.

Joyce Msuya oo ah sarkaal Qaramada Midoobay u qaabilsan degaanka ayaa dalaka caalamka ugu baaqday, in ay u istaagaan oo ay ka dhabeeyaan dadaallada lagu doonayo in looga hortago Isbedelka Cimilada.

Hay’adda Qaramada Middobay u qaabilsan Deeganka ayaa sheegeysa in intii u dhaxeeysay sannaddadii 1995-tii ilaa iyo 2011-kii ay arrimaha deeganka ku kharash gareeyeen lacag gaadhaysa 20 tiriyan oo doolar.

Shirkaan ayaa waxaa sido kale lagu soo bandhigi doonaa cilmi baadhis ay sameyeen khuburda deegeenka ee Qaramada Midoobay, waxaana ka mid ah cilmi baadhistii ugu dambeeysay oo loogu magac daray ”Qaab muuqaalka Deegaannada Caalamka” oo ay ka qayb qaateen 252 seeynisyahano iyo khubro ka kala yimid 70 dal.

COMMENTS
LINKS