|
|||||
WAJAALE NEWS
Shil Gaadhi oo Sababay Dhimasho oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Diridhabe
March 26, 2019 - Written by Reporter:Diridhaba (WJN)– Shil gaadhi ayaa maanta waxaa uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Diridhabe oo lagu magacaabo Dhangago. gaadhiga shilka galay oo ahaa minibas ayaa ku dhacay gaadhi kale oo ahaa nooca raashinka iyo alaabaha waawayn lagu qaado. Haddaba gaadhiga minibaska ee shilka galay ayaa siday dumar jaadley ah, waxayna warar ay helayso Shakabada Wajaalenews sheegayaan in 9 kamid ah dumarkaas ay geeriyoodeen. Shilalka noocan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca inta u dhaxaysa Diridhabe iyo Harar, waxaana jira halka uu hadda shilku ka dhacay iyo jidka meermeeratada ah ee dhangago inuu ka dhaco shilalka u badan oo ay sabab u tahay jidka oo aad cidhiidhi u ah god wayna dhinac ka saran. Gaadhiga wayn ayaa isna darawalkii oo Soomaali ahaa naanaystiisuna ahayd Afwayne uu isna geeriyooday.
Wajaalenews Desk Diridhaba Office Wajalenews@gmail.com Related posts:DAAWO;-Aas Qaran Oo Caawa Magaalada Gabiley Loogu Sameeyay Marxuumada Caaqil Bare Ismaaciil Iyo Kabt... Daawo: Warbixin Murugo Badan Oo Laga Diyaariyey Dadka Qaba Xanuunka Dhimirka Oo Ay Saamayn Xoogan Ku... DAAWO; Fadeexadaha Ku Gadaaman Xaflad Dhaqaale Badani Ku Baxday Oo Xalay Safiir Baashe Cawil Ku Ca... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|