“Sheekadan Dirku Wax Kale Maaha Ee Soomaali Oo Dhami Waxay Isku Haystaan Waa Saami-Qaybsi”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Sheekadan Dirku Wax Kale Maaha Ee Soomaali Oo Dhami Waxay Isku Haystaan Waa Saami-Qaybsi”Cali Guray.
March 4, 2019 - Written by Editor:

“Madaxwayne Mustafe Cagjar Waxa Ka Muuqda Niyadsami Ay Tahay In Lagula Shaqeeyo, Kiisaskii Xiligii Cabdi Cumar Iyo Eedihii Jiray Yaan Isaga Loo Xambaarin” Siyaasi Cali Guray.

DHAN WALBA HA LAGU QADO EH DHEGLAY KU SHUB XAL MAAHA!

Sheekadan Dirku wax kale maaha ee soomaali oo dhami waxay isku haystaan waa saami-qaybsi. Somaliland baa isku haysta oo Somaliya ayaa ku kala bedbaaday markii ay iyagoo reero ah qaydhinka ku qaybsadeen ee 4.5 ku heshiiyeen. Soomaalida Itoobiyana wax ay is-huursadaanba hadda ayay ku qaraxday. Daarood sed bursaday ma jirin oo xataa Absame ayaan heshiis ku ahayn saami-qaybsiga. Intii madaxwayne Mustafe yimi runtii sidii hore xaalku wuu ka duwan yahay sida la ii sheegay Golihiisan Wasiirada todoba xubnood oo keliyaa ayaa kaga jira reerkiisa (Ogaadeen) halka xiligii Cabdi Cumar ay 19 xubnood ka ahaayeen oo weliba u badnaa isaga raaskiisa. Hadaba anigu ma qabo tolaay yaa Dir aheey inta la yidhaa oo shanta soomaaliyeed oo shan guri oo midiba gaarkiisa yahay La isaga yimaado weliba shirka lagu qabsado meel aan degaan soomaaliyeedba ahayn.

Hadii arinku yahay waxa inaga dhexeeya aan si cadaalad ah u qaybsano ma xuma waana sax laakiin dee waxa furan in si cad looga wada hadlo oo arinka laga doodo oo ka wax tabanaya tabashadiisa la dhegaysto oo ka dheeraadka haystaa badh ka tago qoomiyadnimaduna noqto hiigsiga si qoomiyadaha kale loola tartamo.

Tan kale soomaalida Itoobiya waa in laga daayo farogelinta oo marka hore iyaga la isu daayo inay dhexdooda ka heshiiyaan waayo ninka Hargeysa ka tegay ee berito Hargeysa ku soo noqonayaa kuwa uu isaga imanayaa waa soomaali qoomiyad ka mid ah qoomiyadaha Itoobiya ah oo in qoomiyadnimadooda la xoojiyo mooyee aan u baahnayn cid sii kala gurta waayo daaroodnimo iyo dirnimo midina ka shaqayn mayso Itoobiya waxa keliya ee ka shaqayn karaa waa qoomiyadnimo.

Ugu dambaystii Madaxwayne Mustafe Cagjar waxa ka muuqda niyadsami ay tahay in lagula shaqeeyo kiisaskii xiligii Cabdi Cumar iyo eedihii jiray yaan isaga loo xambaarin ee wixii uu la yimaado ee laga arko uun ha lagula shaqeeyo, dhan walba ha lagu qado eh dheglay ku shubna xal maaha.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

 

COMMENTS
LINKS