“Sagaal Sannadood Ka Hor Ayuu Madaxweynihii Hore Ee Jsl Axmed Siilaanyo) Si Badheedh ah U Jebiyey Derbigii Ku Gudbanaa Wado-hadallo Dhex Mara Somaaliya Iyo Somaliland” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Sagaal Sannadood Ka Hor Ayuu Madaxweynihii Hore Ee Jsl Axmed Siilaanyo) Si Badheedh ah U Jebiyey Derbigii Ku Gudbanaa Wado-hadallo Dhex Mara Somaaliya Iyo Somaliland”
March 29, 2019 - Written by Editor:

Horumar lagama Samayn Wada hadalladii Dhawrka Jeer Dhacay Ee labada dhinac dhex maray. Wax dhaqan galay kama ay soo bixin.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, waxa uu markii uu xukunka yimi muujiyey yuhuun iyo rabitaan ku saabsan in wada hadalladu dib u bilaabmaan, hase yeeshee, wax dhacay ba, wada hadallo la isugu ma dhicin.

Dhowaanna madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) waxa uu sheegay in wada hadalladii labada dhinac in ay bilaabmaan uu diyaar u yahay.

Arrinta ugu mutuxan ee caqabadda wada hadallada mar walba ku ahi waa arrinta masiiriga ah ee labada dhinac kala sitaan.

Qolo waxa ay la soo ligan tahay midnimo lama taabtaan u ah, qolada kalena gooni isu taag taas liddigeeda ah oo iyana lama taabtaan ah.

Sidaas marka ay tahay waxa ay u muuqataa in wada hadalladu gacmo daalis uun ay yihiin, wax macne leh oo ka soo baxana aan laga quuddarrayn karin.

Murannada kale ee taas ka sokeeya waxa ka mid ah in dadka qaar dhinaca Somaliland ahi ay dirayaan farriimo shuruudeed ah “waa in dhinaca kale (Soomaaliya) oggolaadaa in Somaliland 1960 israacii ka hor ay dawlad madaxbannaan ahayd.

Tani waxa ay u muuqataa dood aan sal adag lahayn, waayo wax aan la ogayn ma aha jiritaankeedu, waxana ka dambeeyey in lagu midoobey Somali Republic 1960, shan maalmood ka dib, madaxbannaanidaas Somaliland, si aan jujuub ahayn, markii dambena la wada yeeshay jamhuuriyaddii Dimiqraaddiga Soomaaliya oo ah tii u dambeysey.

Dooddan hore waxa ka culus in markii jamhuuriyaddii u dambaysey burburtay in Somaliland dib aayaheeda ay uga tashatay oo inta badan dadkeedu isku raaceen in ay ka noqdaan midowgii 60-kii la galay, dhistaanna jamhuuriyad u gaar ah.

Dhinaca Soomaaliya waxa aan ka soconayn oo iyana ah dood jaban in la yidhaahdo Somaliland waxa ay ku maqan tahay tabasho oo taas baannu diyaar u nahay in aannu gufeyno oo aannu ka qancinno.

Tabashada iyo kala tashigu waa kala laba.

Nin wax tabanayaa waa uu kula joogaa, waxanu kaa doonayaa in waxa kaaga maqnaa aad uga garowdo, una celiso.

Ninka se kaa tashaday waa nin kaa maqan oo ku leh “ina kala gur”.

 

Marka la doonayo in la galo wada hadallo xal u raadinaya arrimo khilaaf weyni ka jiro afka lagu hadlaa ma aha kaas.

Waxa kale oo u baahan in meesha laga saaro in ay jiraan wax muqaddas ah oo aan la taaban karin labada jeerba: midnimo iyo gooni isu taag.

Waa aynu og nahay xaaladaha ka jira Soomaaliya iyo Somaliland oo labada maamul ee hadda ka jiraa uu mid waliba guihiisa ku haysto dhibaatooyin ku filan. Geed kasta in gubtaa hoos taalla.

Sidaas awgeed, si wada hadalladu macne u yeeshaan, waa in laga dhex raadiyaa wax yarayn kara dhibaatooyinka hadda jira oo aan uga sii darayn, ayna ka soo bixi karaan wax labada dhinacba waxtar u yeelan kara.

Waxa loo baahan yahay wada hadallo ku socda “win – win approach).

Waxa la isku afgaran karaa wax la wada yeesho iyo wax la kala yeesho oo isku dhafan.

Waxa kale oo la isku afgaran karaa israac mar kale ah ama kala gurasho la isku aqoonsanayo sidii laba dal oo is feedh yaal, hase yeeshee labada jeerba cillado waa ay soo bixi karaan, gaar ahaan siiba tan dambe ee kala gurashadu waxa ay dhalin kartaa muran hor leh oo ku saabsan dhulka gobollada Sool, Sanaag Bari iyo degmada Buuhoodle oo dadka ku nooli intooda badani ka sii jeedaan Somaliland.

Su’aashu se waa “ma yihiin madaxda wada hadlaysaa hoggaamiyeyaal kudhac leh oo go’aamo waaweyn oo masiiri ah wada gaadhi kara?!

Arrimahaas culculus oo jira, haddana wada hadalkadu waa ay bilaabmi marka la eego culaysyada diblomaasiyadeed ee dibedda iyo isbeddellada gobolka ka socda, haddana lagama fili doono natiijo deg deg ah oo wax la isku afgarto ah oo labada dhinac wada gaadhaan.

Sidee ayay kuula muuqataa?

Fadlan ilaali anshaxa ra’yi wadaagga, mawduucana ha ka bixin.

QALINKII;  Maxamed Baashe Xaaji Xasan.

COMMENTS
LINKS