“Saalax Baaxuur Baa Ina Dilay”! Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Saalax Baaxuur Baa Ina Dilay”! Cali Guray.
March 25, 2019 - Written by Editor:

Aljazira hadaan Imaaraadku lugta u haynin Somaliland cidda yasaysaa hadda Muqdisho ayay buunbuuninaysaa. Hargeysa iyo Muqdisho caalamku wuu yaqaanaa. Kuwa dawladda ay ku sheegayaan way haystaan ictiraaf laakiin ma jiraan oo dawlad jirtaba maaha. Xaaladda nabadgelyada ee Muqdisho waynu ognahay indho se uma laha waxa u muuqda horumarka Somaliland oo ay ka xun yihiin kana dagaalamayaan.

Maxmuud Xaashi kabaha ayuu la dulmari lahaa iyo qof kasta oo Somaliland ahiba laakiin xaalkeenu waa “ carabkayguna carabta ka xun oo waa SAALAX BAAXUUR”. Imaaradka Jabuuti ayaa laga eryay oo hadda Cummaam heshiis la gashay Muqdisho ayaa laga eryay oo Qadar ka qabsatay. Weli meel raadkoodu ka sii muuqdo waxa jira Somaliland iyo Eritariya marka aynu Geeska Afrika ka hadlayno labadiina kolay Somaliland naf uma hayaan taaga waa caamayn kartaan bay isleeyihiine horta bal wadadana ha hagaajiyaan dekedana ha kordhiyaane intaa yaan juuq loo odhan kolay la isma huri doono hadii ay sidan ku sii socdaane,

QALINKII; Muj Cali Guray.

 

COMMENTS
LINKS