Riig Biyoodkii Degmada Dameero Boob Ee Magaalada Alley-baday oo Xumaaday iyo Baaqa Dadweynaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Riig Biyoodkii Degmada Dameero Boob Ee Magaalada Alley-baday oo Xumaaday iyo Baaqa Dadweynaha
March 26, 2019 - Written by Reporter:

Alley-baday (WJN)- Deegaanka dameero boob ee degmada Alley-baday oo uu ceel riig qudha ku yaalay, ayaa waxa ka xumaaday daaynabada biyaha ka soo tuurta.

Ceelkan oo ku yaala xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxa ka caba deegaanada ku teedsan xuduuda labada dhinac.

Sidoo kale biya la’aanta Ceelkaasi ayaa sababtay in Xoolihii ka cabi jiray ay iyagoo haraadan ay dararkii ceelka oo madhan afka la dhacayaan.

Dhinaca Shacabka deegaanada fog fog ka hayaamay ee ceelkaasi caba ayaaa baaq u diray Xukuumada Somaliland, si ay ula soo gaadhaan daynabada ceelkani ka xumaatay oo baahi wayn loo qabo.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS