|
|||||
WAJAALE NEWS
Rag Loo Haytay Waxyelo Ay U Gaysteen Xadhko Shirkada Somcable Leedahay iyo Aflagado Ay Kula Kaceen Madaxweyne Biixi oo Lagu Xukumay 8 Sano Xadhiga iyo $625,000 Kun oo Dolar
March 6, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex ayaa maanta shan muwaadin xukuno kala duwan ku xukuntay ka dib markii lagu eedeeyey inay jareen xadhiga dhulka hoostiisa mara ee shirkadda Internet-ka ee SOMCABLE iyo aflagaado la sheegay inay kula kaceen Madaxweyne Biixi. Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex ayaa maanta midkiiba ku ridday 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) laba muwaaddin oo la kala yidhaahdo Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud, halka saddex kale oo laba maqan yihiin min lix sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 oo dollar. Saddexdan kalena waxay kala yihiin: Cumar Xuseen Cabdi oo ah nin reer miyi ah oo lagu yidhi jar xadhiga shirkadan Yuhuud baa leh oo jaray ayaa lagu xukumay 6 sanno iyo lacag dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar). Waxa kale oo intaas oo kale lagu xukumay laba qof oo maqan oo iyagoo maqan lagu xukumay lix sanno oo xadhig ah iyo ganaax $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar). Shantan muwaadin ayaa lagu eedeeyey inay qaarkood dhiirigaliyeen in la jaro ama la gooyo xadhiga Enternetka ee shirkadda SOMCABLE, inay abaabuleen dhallinyaro laga hor keeno xukuumadda, iyo in Abwaanka Baashe madaxweynaha ku yidhi “Muuse-Shaanni” oo ah magac dil ah sida xeer ilaalintu ku doodayso. Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed “Mandela” oo u doodayay labadan muwaadin ee maanta Maxkamadu xukuntay, ayaa sharci daro ku tilmaamay qaabka uu xukunkaasi u dhacay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Related posts:DAAWO ;Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Ku Dhawaaqay In Xadiga kiisaska kufsigu kor uga kaceen Dal... Wargeys Caalami Ah Oo Sheegay In Somaliland Laga Saaray Hay’ad Qaramada Midoobay Ka Tirsan Oo Diiday... Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Caasimada Kala Qayb Galay Tukashada Salaada Ciida Barakaysan Ee Cii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|