|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho oo Lala Eegtay Dhismo Ay Ku Yaallaan Labo Wasaaradood
March 23, 2019 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday qaraxyo lagu qaaday dhismo ay ku yaalaan laba ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya. Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo tan Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa lasoo sheegaya in laga maqlayo rasaas teel teel ah. Faahfaahin dheeraad ah wali lagama hayo khasaaraha ka dhashay qaraxyadan balse Xarakada alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay in weerarkaasi ay geysteen. Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa sidoo kale sheegtay in xoogag ka tirsan dagaalyahanadooda ay gudaha u galeen dhismaha ay ku taalla Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta walina ay halkaasi ka dagaalamayaan. Magaalada Muqdisho ururka Alshabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo ka gaysta. Dhanka kale, Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa haatan xidhay goobta ay ka dhaceen qaraxyadu.
Wixii faahfaahin halkan kala soco Related posts:Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Dhaam Biyood Laga Hirgaliyay deegaanka M... Agaasimaha Arimaha Bulshada Iyo Nadaafada Ee Dawlada Hoose Gabiley Oo Si wada jir ah U Gubay Cunto... “Abaalka Beelaysan Ee Uu Buurmadow Ku Mana-Sheeganayo,Waxaa Ka Weyn Danta Qaranka, Madaxweyne”Xildhi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|