|
|||||
WAJAALE NEWS
“Qandaraasleyaal Ku Xisaabtamaya Kumaan Kun Ayaa Mushtamaca Gudihiisa Ka Abuurmay”Sheekh Aadansiiro.
March 8, 2019 - Written by Editor:“Afar Saxaabi-baa Oon U Dhintay, Siduu Midba U Lahaa Hebel-baa Iga Daran Ee U Geeya Biyaha, Innagana Qof-baa Qaadanaya Waxay boqol Kun Ku Noolaan Lahaayeen…..” Sheekh Aadan-Siiro Hargeysa(W,N.) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay siday muhiimka u tahay in Hoggaamiyeyaashu Muslimiintu ka war hayaan Xaaladda ay ku sugan yihiin Dadka ay xukumaan. Waxa kale oo uu sheekhu khudbaddiisa kaga hadlay sida Diintu u dhiiri-gelisay in Dadka Muslimiinta ahi isku naxariistaan oo ay midba uu ka war hayo ka kale, taana lagu helayo Raalli-ahaanshiyaha Illaahay (SW) “Isaamku wuxuu daryeelay Qofka Bani-aadamka ah Ruuxdiisa, ruuxdu waata keenaysa inaad waxyaabaha qaarkood ka tagto, waata keenaysaa inaad Walaalkaa uga door-biddo Naftaada, waata keenaysa inaad Naftaada ka horreysiiso Ummaddaada. Rasuulkeena Muxamed (CSW) wuxuu waxyaabaha aynu Maanta u joogno qaarkood u iftiimiyey 1440 sanadood ka hor, dadka samada ku xidhan ee Saalixiinta ah ee Dadkooda daryeelana wuxuu Illaahay siiyey karaamooyin. Nebigu wuxuu yidhi ‘Dadka waxa ka dhiman doona dadka Saalixiinta ah, midba mid buu raaci doonaa, waxa iman doona huubo, kuwaana Illaahay (SW) dan kama laha’. Qofka xaqa ka jeedsadaana nolol cidhiidhi ah ayuu galayaa.” Sheekhu wuxuu tilmaamay dhibaatooyinka ka jira Dalalka Muslimiinta ah ee Somaliland ka mid tahay “Maanta maxaa ka jira Waddamada Muslimiinta ah ee aynu ka midka nahay, Caqligu shaqayn maayo, Kitaabku shaqayn mayno..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay dareenkii Hoggaamiyeyaashii Muslimiinta ee Dunida soo maray “Cumar Binu Cabdicasiis oo Ilmadu raadad ku samaysay dhabanadiisa ayaa xaaskiisii u soo gashay, markaasay waydiisay waxa ku dhacay, waa markii Muslimiintu ay dunida oo dhan ka talinayeen, markaas ayuu yidhi ‘Waxa Qalbigayga ku soo dhacay Nin Muslim ah oo jlicsan oo aanan gaadhi karaynin, kaasi oo Ilaahay i waydiin doono ‘maxaad wax uga qaban wayday arrimihiisa’..” ? Sheekh Aadan-Siiro oo dareenkaa Cumar Cabdicasiis barbar-dhigaya waxa Maanta ka jira Dalalka Somaliland ka midka tahay wuxuu yidhi “Maxaa Maanta Magaalada jira, maxaa Waddanka ka socda, Meheradihii way wada xidhmeen, kooxina way nooshahay.” Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sheegay inay Somaliland ka abuurmeen Kooxo Qandaraasleyaal ah “Qandaraasleyaasha ku xisaabtamaya Kumaan kunka ayaa Mushtamaha gudihiisa ka abuurmay, meeday culimadii, meeye Dadkii damiirka iyo dareenka lahaa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo arrintaa barbar-dhigay sidii ay iskugu naxariisan jireen Saxaabadii Nebigu (CSW).. “Afar Saxaabi oo dhowr Maalmood dagaal ku jiray oo oon u dhimanaya, ayaa Saxaabi biyo u geeyay, midba siduu u lahaa hebel baa iga darane u gee biyaha ayay afartoodiiba oon u dhinteen, innagana Waddamada Muslimiinta ah boqol kun Qof waxay ku noolaan lahaayeen ayuu Qof keli ahi doonayaa inuu qaato.” Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu ka hadlay waxyaabaha Abaarta ugu wacan Somaliland “Waxyaabaha Abaarta inoogu wacan waxa ka mid ah, waalla ootay halkaa laga bilaabo illaa Waqooyi, halkaa laga bilaabo illaa galbeed, halkaa laga bilaabo illaa bari guntii, illaa hawd guntii, intaas oo neef baa xabad loogu dhuftay beer buu soo galay, xoolihii oo bakhtiyaya ayaa dhulkii la wada ootay, dhulkiiba boqol Qof baa wada ootay, sannad walbana waxaynu leenahay Abbaar baa jirta, illaa Seerayaashaa (Gaarka ah) la baa’biiyo (dhibaatadu way jiraysaa), Waayo? Caqlina ma shaqaynayo, Kitaabna ma shaqaynayo, ee halkaa (Hunguriga) ayaa inna wada shaqaynaysa, Illaahayna inagama gar-darna inuu Abaar innagu imtixaamo, markaynu xoolihii dhibnay..”ayuu yidhi. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA SHEEKHA;
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|