|
|||||
WAJAALE NEWS
New Zealand oo Mamnuucday Hubka Daran-dooriga
March 21, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Ku dhowaad toddobaad kadib markii 50 qof oo muslimiin ah lagu dilay magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, ra’iisal wasaaraha dalkaas, Jacinda Ardern ayaa maanta sheegtay in dhammaan qoryaha kuwa milatariga oo kale iyo kuwa sida daran-dooriga u dhaca la mamnuucay. Mamnuucistan oo ay maanta ra’iisal wasaare Ardern kaga dhawaaqday magaalada Wellington, ayaa waxaa sidoo kale ku jira qasnadaha rasaasta badan qaada ee lagu kaydin karo laba wareeg oo rasaas ah, iyo aaladaha qoryaha caadiga u roga kuwa daran-dooriga u dhaca. Ardern ayaa sidoo kale ku dhowaaqday qorshe dib u iibsasho oo ballaadhan, si loogu dhiiri-geliyo dadka haysta hubka inay kusoo wareejiyaan dowladda. Baarlamanka New Zealand ayaa la filayaa inuu ansixiyo mamnuucistan, marka kulankiisa xiga uu isugu yimaado bartamaha bisha April. Dhinaca kale, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in la aqoonsaday dhammaan maydadka 50-ka qof ee lagu dilay weerarka, islamarkaana 20 ka mid ah lagu wareejiyo qoysaskooda, si loo aaso. Related posts:Xukumadda Oo Si Adag Uga Hadashay Xadhiga Suldaan Sabayse iyo Axmed Muumin Seed Oo Cambaareeyay Xadh... Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Raashin Uqaybisay Boqol Iyo Konton Qoys Oo Isugu J... "Adiguna Muuse Biixiyow Ma Madaafiic Ayaad Namarin Annaguna Maanu ku Soo Ducaynaa Oo Waliba Ducaanu ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|