|
|||||
WAJAALE NEWS
New Zealand oo Mamnuucday Hubka Daran-dooriga
March 21, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Ku dhowaad toddobaad kadib markii 50 qof oo muslimiin ah lagu dilay magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, ra’iisal wasaaraha dalkaas, Jacinda Ardern ayaa maanta sheegtay in dhammaan qoryaha kuwa milatariga oo kale iyo kuwa sida daran-dooriga u dhaca la mamnuucay. Mamnuucistan oo ay maanta ra’iisal wasaare Ardern kaga dhawaaqday magaalada Wellington, ayaa waxaa sidoo kale ku jira qasnadaha rasaasta badan qaada ee lagu kaydin karo laba wareeg oo rasaas ah, iyo aaladaha qoryaha caadiga u roga kuwa daran-dooriga u dhaca. Ardern ayaa sidoo kale ku dhowaaqday qorshe dib u iibsasho oo ballaadhan, si loogu dhiiri-geliyo dadka haysta hubka inay kusoo wareejiyaan dowladda. Baarlamanka New Zealand ayaa la filayaa inuu ansixiyo mamnuucistan, marka kulankiisa xiga uu isugu yimaado bartamaha bisha April. Dhinaca kale, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in la aqoonsaday dhammaan maydadka 50-ka qof ee lagu dilay weerarka, islamarkaana 20 ka mid ah lagu wareejiyo qoysaskooda, si loo aaso. Related posts:Daawo:Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Khilaafka Xisbigiisa Hadheeyay ,X... Halkan Ka Daawo:Xildhibaano Kamida Golaha Deeganka Caasimada Hargeysa Oo Dhaliilo Uso Jeediyay Mdaxw... Danyartii Guryuhu Kaga Gubteen Xaafada State-Houseka ee Magaalada Hargeysa Oo Cadeeyay In Aan Xuk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|