Nagaad oo Fulisay Mashruuc Lagu Caawinayo Hooyooyinka Danyarta Ah Ee Ku Umula Xarumaha Caafimadka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nagaad oo Fulisay Mashruuc Lagu Caawinayo Hooyooyinka Danyarta Ah Ee Ku Umula Xarumaha Caafimadka
March 7, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Ururka haweenweynaha Somaliland ee NAGAD, ayaa maanta soo bandhigay mashruuc kaalmo ah oo ay siin doonaan Hooyooyinka danyarta ah ee ku xidhan xarumaha Caafimaad marka ay Umulayaan.

Kaalmadan hooyooyinka danyarta loogu tala galay, ayaa ka koobnayd dharka Caruurta iyo tuwaalo loogu talagalay in lagu qalajiyo, Agabka kala duwan ee Ubada yar yare e dhaashaa ay u bahaan yihiin iyo duruucyo loogu talagalay Hooyooyinka umusha ah.

Mashruucan oo ay hir gelisay dalada Nagad ayaa loogu magac daray Umul Udgoon, waxaana dalada xaga dhaqaalaha ka caawiyay Hay”adda khayriga ah ee lagu magacaabo The Big Heart Foundation (TBHF), oo ay leedahay Sheikh Jawaher Al Qasimi oo ah marwada Sheikh Sultan bin Ahmed Al Qasimi oo ah Shekeeha haysta Shaariqa.

Ugu horayn waxa madasha ka hadley Guddoomiye ku xigeenka Dalada Nagad Khadra Cumar Xasan iyo Agaasimaha fulinta Dalada Nagad Nafiisa Yuusuf Maxamed, iyagoona ka warbxiyay mashruuca Deeqdan loogu tala galay Hooyooyinka Umusha ah.

Ugu danbayntii Wasiirka wasaarada Shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland Hinda Jaamac Xirsi “Gaani”, ayaa dalada Nagaad ku amaantay mashruucan lagu caawinayo Hooyooyinka danyarta ah.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/5vr1L0pBdsE

 

WAJAALENEWS DESK

HAREYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS