|
|||||
WAJAALE NEWS
“Musuq Maasuqa Ha Lala Dagaalamo, Lakiin Maaha In Cid Gaar Ah La Soo Qabto”.Sh Adam-siiro
March 22, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro) ayaa khudbaddii Jimcaha ee maanta kaga hadlay la-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo hawl-gallo Ciidammada Amnigu ku xidh-xidheen masuuliyiin lagu tuhmayo Musuqmaasuq. Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay inay Xukuumadda ku taageersan yihiin inay la dagaalanto Musuqmaasuqa, laakiin aanay marnaba aqbali Karin in Ciidammada Amnigu ay Saqda dhexe u daataan Guryaha Dadka la tuhunsan yahay isla-markaana ay Argagax-geliyaan Dumarka iyo Carruurta, iyagoo duhar cad qaban kara Qofka la doonayo in la xidho. Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Islaamku miisaan kamuu dhigin waxyaabaha Bani-aadamka Miisaanka u ah, laakiin Qofka Muslimka ah Xurmo weyn buu siiyey Islaamku, sidaa darteed waxaan khudbaddan u sameeyay inaan Xukuumadda iyo inta caqliga iyo Cilmiga leh u sheego in aanay habboonayn wax kasta oo dhaca in saq-badhka loo daato Dumarka iyo Carruurta, ma jiro Kitaab iyo Xadiis bannaynaya adiga oo Cid raadinayaa inaad 1:30 habeennimo guryaha u daadato oo aad Dumarka iyo Carruurta Argagax geliso, taasi waata keentay inaan ka sameeyo khudbadda xurmada uu Islaamku siiyey Qofka Muslimka ah.” Sheekhu wuxuu Tilmaamay inuu la-dagaalanka Musuqmaasuqa muddo dheer ka hadlayey isla-markaana taageersan yahay haddii Xukuumaddu la-dagaalamayso, maaddaama oo Diinta Islaamka meel adag iska taagtay in Hantida Ummaddu wada leedahay Cid gaar ah ku takri-fasho “Waxaanu nahay Dadka la-dagaalama Musuqmaasuqa, laga bilaabo 1992-kii khudbaddii u horreysay ee aan Masaajidka Cali Mataan (Hargeysa) aan ka galay waxaan kaga hadlay Musuqmaasuqa, illaa Maalintaa waanu ka qaylinayney Waar Hantida Ummadda hala ilaaliyo, taa macnaheedu maaha Dadka hala dulmiyo, Musuqmaasuqa waanu la-dagaalamaynaa, waanu ka hadalnay, waanu ku taageersanahay Xukuumadda hadday la-dagaalamayso, laakiin Musuqmaasuq Cid ku kooban (waa khalad). Nebigu (CSW) wuxuu yidhi ‘Hadduu ka jilicsan uu wax xado gacantay jaraan, hadduu ka Magaca leh ama meel weyn ka soo jeedaa wax taabtana way ka tagaan.’ Markaa Meel ay ku taallaa ma jirto, in ka daciifka ah habeenkiiloo daato, ka awoodda badan ama meel weyn ka soo jeeda ama wax loogu habradaa jiraana aanu sharcigu qabanin..”ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey halka Nebiyullaahi Muxamed ka taagnaa Musuqmaasuqa “Gabadh aad loo yaqaan reerkooda ayaa wax taabatay (Xadday), dabadeedna waxa la yidhi Nebiga CSW ha laga wasteeyo, Saxaabi uu aad u jeclaa ayaa loo soo diray Nebiga (Si uu uga wasteeyo), dabadeedna Nebiga CSW Wejigiisaa isbeddelay, waxaanu yidhi ‘Haddii Faadumo (Inantii Rasuulka CSW) ay xadkaa gasho gacantaan jararayaa, ku hoggaamin maayo Dadka in ka itaalka daran ee wax taabta aan Gacanta jaro, ka awoodda lehna inaan ka tago markay wax taabtaan..” Sheekh Aadan Xaaji Maaxamuud wuxuu farriin u diray Xukuumadda Somaliland “Anigoo Xukuumadda u tilmaamaya dariiqa toosan, waxaan leeyahay waynu ku wada jirnaa in lala dagaalamo Musuqmaasuqa, laakiin Dadka ha wada gaadho oo Dadku ha u sinnaadaan, waynu ku wada jirnaa in Musuqmaasuqa lala dagaalamo, laakiin idinka ha idinka bilaabanto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray sida Nebiyullaahi Muxamed CSW uga digay in Dadka la argaggax-geliyo “Rasuulku CSW wuxuu yidhi, ma habboona in Qof Muslim ah la argagax-geliyo..’. Bal ka warran markaad RRU dirto ee aad 1:30-kii habeenimo Carruurtii u daadato ?, sida inaad Maaris xorraynayso oo kale, arrintaasi waxay keenaysaa Colaad, waxay keenaysaa Sharci-darro, halkay Dastuurka kaga taallaa in labada Habeennimo Dadka loo daato, musuqmaasuq kasta oo Qofku sameeyo waa in Maxkamadda loo soo maro, Aroortii loo tago, Waaranka loo geeyo, hadduu diido Ciidan loo diro xilliga Caadiga ah ee Dadku soo jeedo.” ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey isla-markaana iswaydiiyey waxa Ciidammada Amniga ku khasbaya inay Qof muwaadin ah xilli habeennimo ah Guriga ugu daataan, iyagoo xilli Maalin ah xidhi kara “Waxaan la yaabbanahay kuwan la odhanayo Hebel soo qabta ee labada Habeennimo u daadanaya, Caqligii Xagguu maray ? Boolisku hadday leeyihiin Warqad baa la soo qoray, ma labada Habeennimo u daado (Qofka la xidhayo) ayaa ku qoran Warqadda, haddii lagu yidhaahdo hebel soo xidh, macnaheedu maaha labada Habeennimo u daado.” Sheekh Aadan-Siiro wuxuu soo jeediyey in Dadka loo Caddaalad-falo “Waxaanu leenahay Waar Ummadda u Caddaalad-fala oo wixii lagu heshiiyey raaca. Markaad Musuqmaasuq la dagaalamaysaa idinku iska bilaaba. Xukuumadda waxaanu leenahay Musuqmaasuqa si guud ha loola dagaalamo, Nin kasta oo ay gasho Sharciga ha loo maro oo waxa uu xaq u leeyahay halla mariyo, haddii taasi dhici waydo dareen kale ayay abuuraysaa..” ayuu yidhi Sheekhu oo uu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:Wargeyska Caan Ah Oo Kasoo Baxa Dalka Faransiiska Ayaa Warbixin Dheer Ka Qoray Somaliland Iyo Halist... "Arrinta Raga Buurta Galay Waxay Saaran Tahay Cabdiraxmaan Cirro, Dadka Hoggaaminayaana Waa Kuwii Gu... DAAWO;-Xisbiga Wadani Oo Ujawaabay Wasiir Cabdilaahi Abokor, Sheegayna In Uu Yahay Ciil-qabe Siyaasa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|