Mulkiilaha hotelka Maka Al Mukarama Oo Ka Hadlay Khasaarihii kasoo gaadhay qaraxyadii! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mulkiilaha hotelka Maka Al Mukarama Oo Ka Hadlay Khasaarihii kasoo gaadhay qaraxyadii!
March 3, 2019 - Written by Editor:

Muqdisho (W,N) – Masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hotel Maka Al Mukarama ayaa ka hadlay khasaarihii kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab habeenkii Jimcaha ku qaadeen Hotelo ku yaala wadada Maka Al Mukrama.

Guray Xaaji oo ah mulkiilaha Hotel Maka Al Mukarama ayaa sheegay in khasaaro xoogan uu soo gaaray dhismaha Hotelka, oo ay degenaayeen Masuuliyiin kala duwan, isaga oo sheegay in khasaaraha nafeed uu ka yaraa kuwii hore.

Wuxuu sheegay in khasaaraha ugu badan uu gaaray qolasha xigay dhanka uu weerarka ka dhacay, wuxuuna cadeeyay ineysan niyad jibin doonin weerarada Al Shabaab ay la eegtaan hotelkiisa.

Gureey Xaaji, ayaa sheegay in markii Shanaad ay tahay oo weerar uu kala kulmayo Al Shabaab, islamarkaana uu dhisayo markale hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inuu wali qiimeynayo khasaaraha maaliyadeed ee kasoo gaaray weerarka ka dhacay Wadada, isaga oo sheegay in weerarkaan uu ka khasaaro badan yahay kuwii hore, maadaama deriskiisa uu saameeyay qaraxa oo xooganaa.

 

“Khasaaro badan ayaa jira Qiimeyn ayaan wadnaa, waan dhiseynaa markale kama carareyno wadanka”ayuu yiri Gureey Xaaji.

 

COMMENTS
LINKS