|
|||||
WAJAALE NEWS
Mudaharaadyo Waaweyn oo Ka Soo Cusboonaaday Dalka Itoobiya
March 9, 2019 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)– Mudaharaadyo waa weyn oo ay qowmiyadda Oromada kaga soo horjeeddo dowladda Itoobiya ayaa maalintiisa afaraad ka socda dalkaasi. Mudaharaadkan oo Arbacdi billoowday ayaa wuxuu ku billoowday magaalada Addis Ababa wuxuu ku sii fiday dalka intiisa kale. Gaar ahaanna waxay mudaharaadyadu ka socdaan magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Oromada oo ah deegaanka ay ku nool ku nool yihiin qowmiyadda ugu badan. Magaalooyinka ay ka socdaan Mudaharaadada xooggan waxaa ka mid ah Amb, Naqamte, Adaama, Asala, Gobba, Shaashamane, Roobee iyo magaalooyin kale. Warbixintan oo aan ka soo xigannay wargeyska Addis Standard oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya iney mudaharaadyadu ka billoowdeen 51,000 oo guri oo ay dowladda ka dhistay gudaha iyo hareeraha magaalada Addis Ababa oo Axadda bakhtiyaa nasiib looga wareejiyey dadkii nasiibka u yeeshay. Qowmiyadda Oromadana waxay ka cabaneysaa in guriyaha laga dhisay dhul beereed ay qowmiyadda Oromada leedahay iney xaq u lahyn dadka kale ee Itoobiyaanka ah ee ku nool caasimadda iney la wadaagaan guriyahaasi. Duqa maamulka magaalada Addis Ababa Injineer Taakele Kuma oo ka jawaabaya cabashada dadka mudaharaadaya ayaa sheegay “in guriyaha laga dhisay dhul uu maamulo maamulka magaalada Addis Ababa shucuubta Itoobiya ee ku nool magaalada oo dhan ay xaq u leeyihiin iney ka wada faa’ideystaan”. “Wixii cabasho intaa ka baxsanna uu maamulkiisa diyaar u yahay inuu qaabilo cid kasta oo cabasha sharci qabta”. Maalinta berri ahna mudaharaadayaashu waxay u ballansan yihiin iney mudaharaad kuwii hore ka ballaadhan ay ka sameeyaan fagaaraha weyn ee Abiyoot oo ku yaalla bartamaha magaalada Addis Ababa. Telefishiinka FANA oo soo xiganaya xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa baahiyey iney golaha wasiirrada dalkaasi ay shir degdeg ah ka yeesheen mudaharaadyadana cusub ee dalka ka socda sidii xal loogu heli lahaa isla-markaana la dhisay guddi heer qaran ah oo xalliya khilaafka dhulka ee u dhaxeeya maamulka Addis Ababa iyo Deegaanka Oromada. Qowmiyadda Oromada oo aaminsanayd marka uu hoggaaminta dalka uu qabto nin u dhashay qowmiyadda Oromada in la xallin doono dhibaatooyinka ay qowmiyadda ka cabaneyso ay xaaladdu wax iska beddelin taasoo keentay iney mudaharaadayaasha magaalooyinka qaarkood ayba ku dhawaaqaan ha is casilo ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo xukumaddiisaba.
WAJAALENEWS DESK ADDIS ABABA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|