|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxay Kaga Wada-hadleen Shir Deg Deg Ah oo Abiy Ahmed La Yeeshay Madaxda Axmarada iyo Tigreega?
March 26, 2019 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Warar hoose oo kasoo baxay xarunta Madaxtooyada dalka Itoobiya ee magaalada Addis Ababa, ayaa sheegaysa in Ra’iisal wasaaraha itoobiya Abiy Ahmed uu shir qarsoodi ah layeeshay madaxda labada deegaan ee Axmarada iyo Tigreega. Shirkan oo la sheegay inuu ka dhacay xarunta Madaxtooyada gaar ahaan xafiiska Abiy Ahmed, ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda ugu saraysa deegaanka tigreega oo uu hogaaminayo Madaxwayne Dr. Debretsion Gebremichael iyo madaxda deegaanka Axmaarada oo uu hogaaminayo Madaxwayne Dr. Ambachew. Kulankan ayaa ahaa mid albaabadu u xidhanyihiin kaasoo uu Ra’iisal wasaarahu ku dhex-dhexaadinayay in labada dhinac sinabad galiyo ah ku xaliyaan khilaafka sii xoogaystay ee u dhexeeya labadan deegaan oo salka ku haya sheegashada dhulka iyo soohdimaha. Sidoo kale labada dhinac ayaa kulankan siqoto dheer ugaga doodeen arimaha ismariwaagu ka jiro, waxaana jira warar hoose oo ay helayso Shabakada Wajaalenews ayaa tibaaxaya in labada hogaamiye ee Axmaarada iyo Tigreegu ay isku afgarteen in waxwalba nabad lagu dhameeyo. Dhawaan ayaa la filayaa in Madaxwaynaha Deegaanka Axmaarada Dr. Ambachew uu safar ku gaadho magaalada Mekeke ee caasimada Tigeega si loo dhamaystiro dadaalka nabadeed ee labada deegaan. Dadbadan ayaa is waydiinaya natiijada ka dhalan karta wada-hadaladan xili deegaanka Axmaaradu uu u muuqdo mid aan ku jirin gacanta Xukuumada Axmaarada, waxaana xusid mudan in dhacdadii shalay kadhacday magaalada bahirdar ee lagu hor istaagay shirkii Ginbot 7 ay ahayd mid muujinaysa heerka colaada deegaanka Axmaarada ka jirta ay marayso. Wajaalenews Desk Jigjiga Office Wajalenews@gmail.com Related posts:DAAWO:Suldaan Mawliid (Sabayso)oo Xaalka Kasiiyay Reer Berebera Hadalo Deel Qaafa Oo Uu Hore Ugu W... Odayaal iyo Waxgarad Iskaa Wax U Qabso Ku Dhisaya Jidka Isku Xidha Magaalada Boorama iyo Degmada Cad... Guud Ahaan Gobalada Iyo Dagmooyinka Somaliland Oo Maanta Si Balaadhan Looga Xusay Sanad Guurada 23-a... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|