Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Xoriyadiisii Dib U Helay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Xoriyadiisii Dib U Helay
March 25, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Xukuumada Somalialnd ayaa Xabsiga ka sii daysey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland, Xasan Maxamed Maxamuud oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa Ciidammada amnigu xidheen, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho, isaga iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi oo dhawaan iscasilay.

Sidan oo kale, ayaa Damiin loogu siidaayey Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Dr. Cismaan, laakiin siidaynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaraddaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhigga oo ku eedaysan musuqmaasuq.

Xeerka la dagaalanka Musuq-maasuqa Somaliland, ayaan ogolayn in Qof ku eedaysan musuqmaasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco.

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS