|
|||||
WAJAALE NEWS
Markab Laga Leeyahay Norway oo Rakaabkii Saarnaa Laga Soo Badbaadiyey
March 24, 2019 - Written by Reporter:Oslo (WJN)- Dowladda Norway ayaa sheegtay ku dhawaad 1,300 oo qof iney diyaaradaha qumaatiga u kaca ka soo badbaadiyeen markab ku xumaaday badda Choppy oo mishiinada ka cilladoobay. Taliyaha Booliska Romsdai wuxuu sheegay in la soo badaadiyey dhammaan dadkii markabkaasi xumaaday saarnaa. Wakaaladda badbaadada badda ee dalka Norway waxay sheegtay xilliga ay markabku cilladda la soo daristay ay dhacayeen mowjado iyo dabeylo taasina ay keentay in dadkii saarnaa si degdeg ah loogu gurmado. “Howlaha gurmadkana waxa ka qayb qaatay shan diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca iyo maraakiib” ayay tidhi wakaaladdu. Diyaarraddiba halkii mar waxay soo qaadeysay rakaab gaadhaya 15-20 qof. Wakaaladdu waxaa kale oo ay sheegtay “ciladda markabka ku timid in loo maleynayo iney sababtay Markabku oo jiidhay dhagaxaanta waaweyn ee badda gunteeda ku jira maadaamaa xilligaasi ay mowjada dhacayeen oo ay adkeyd xakameynta markabka”. Dadkii rakaabka ahaa markabkaasi saarnaana ma jirto cid wax ku noqotay howsha gurmadna oo waxaa la soo badbaadiyey iyaga oo badqaba. Rakaabka Markabka xumaaday ee ‘MV Viking Sky’ oo laga leeyahay Norway rakaabki saarnaa waxay intooda badan u dhasheen dalalka Britain iyo Mareykanka. Related posts:Wiil Yar Oo Ku Dhacay Balay Biyood Ku Yaala Magaalada Geedbalaadh Oo Maydkiisu Mudo 48sacadood Ah K... Caaqil Rashiid Jaanbiir Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedo Xisbiga kulmiye Ujeediyay Shirkii Gacan Libaax... “Darood Ilaa Kenya, Itoobiya, Xamar, Koonfurta Somaliya Wuxuu La Degan Yahay Qabiilida Kale Ee Somal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|