|
|||||
WAJAALE NEWS
Mahdi Giirre oo Loo Doortay Maayar Ku Xigeenka Ismaamulka Diridhaba
March 13, 2019 - Written by Reporter:Diridhaba (WJN)- Golaha baarlamaanka ee ismaamulka Diridhaba ayaa maanta maayIr ku xigeen u doortay Mahdi Giirre. Golaha oo shir degdeg ah maanta yeeshay ayaa ansixiyey magacaabidda maayirka ku xigeenka iyo mas’uuliyiin kale. Maayirka magaalada diridhaba Ibraahim Cusmaan ayaa golaha u gudbiyey iscasilaaddiisa golahuna iscasilaadda wuu aqablay. Xubnaha kale uu golaha magacaabay waxaa ka mid ah: 1) Cabdalla Axmed, Guddoomiye ku xigeenka golaha ismaamulka Diridhaba 2) Kadir Joohar, Madaxa xafiiska Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ismaamulka Diridhaba, 3) C/salaam Axmed, Madaxa xafiiska Beeraha, Macdinta iyo Tamarta ismaamulka Diridhaba, 4) Muluuka Maxamuud, Madaxa xafiiska waxbarshada ismaamulka Diridhaba 5) Muusa Daha, Madaxa xafiiska Nabadgalyada iyo Caddaaladda ismaamulka Diridhaba iyo 6) Faatuma Mustafa. oo loo magacaabay Madaxa xafiiska Haweenka, Carruurta iyo Dhalinyarada ee ismaaamulka Diridhaba.
WAJAALENEWS DESK DIRIDHABA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO ; kooxda Xidigaha Geeska Oo Soo Saaray Hees Cusub Oo ay kula Hadlay Bulshada Somaliland Iyo ... Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Socdaalkii Uu Madaxweynaha Jsl Ku Tagay Dalka Djibouti! Iyo Kulankii... DAAWO: Ujeedka Socdaal Ay Maanta Guddi-Hoosaadka Ilaalinta Hantidda Qaranku Ay Ku Tageen Magaaladda ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|