Magacyada Sedex Wariye Oo Ciidamada Booliska Magaalada Gabiley Goordhawayd Xabsiga Utaxaabeen Iyo Sababta!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magacyada Sedex Wariye Oo Ciidamada Booliska Magaalada Gabiley Goordhawayd Xabsiga Utaxaabeen Iyo Sababta!!
March 10, 2019 - Written by Editor:

GABILEY(W,N):-Ciidamada booliska somaliland Ee Magaalada  Gabiley ayaa  xabsiga u taxaabay sadex saxafi oo ka hawlgala warbaahinta gabiley.

Weriyeyaasha la xidhay ayaa kala ah Siciid Nuux Kibaar , Maxamed Watiin Iyo Jacfar Cawil kuwaas oo maalintii shalay ahayd ay gacan ka hadal iskula tageen askari ka tirsan ciidamada booliska ee Gabiley.

Wariyayaasha xabsiga loo taxaabay ayaa iyagu dhankooda baahiyay dhacdadii shalay dhexmartay askari ka tirsan ciidanka ka hawlgala gabiley

Maanta galinkii hore ayay ahayd markii maamulka gobolka gabiley ay si kulul uga jawaabeen falkii shalay isagoo sheegay  inay sharciga la tiigsan doonaan sadexdaas saxafi oo ay tilmaameen inay gardaro ula tageen askarigaas ka tirsan ciidamada booliska somaliland.

Wajaalenews desk

Gabiley Office.

COMMENTS
LINKS