|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo La Kulmay Dhallinyaro Loo Carbinayo Hoggaaminta Wanaagsan oo Gobollada Dalka Ka Socota
March 12, 2019 - Written by Editor:Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo La Kulmay Dhallinyaro Loo Carbinayo Hoggaaminta Wanaagsan oo Gobollada Dalka Ka Socota Dhallinyaradan oo haatan wax ku barata Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, isla markaana ay gacanta ku hayso hay’adda waddaniga ah ee CPA, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey xarunta qasriga madaxtooyada, isaga oo warbixin ku saabsan isbeddelka ku yimi qiyamkooda dhinaca hoggaaminta muddadii ay ku jireen carbiska dhinaca hoggaaminta ah. Xubno macallimiin iyo maamul isugu jira oo ka socda hay’adda waddaniga ah ee CPA, oo ay hormuud u ahaayeen Ismaaciil Xuseen Maxamed (Farjar), Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Xasan Cabdi Madar ayaa dhinacooda ku dheeraaday tacabka ay geliyeen ardayda ku hawllan barashada cilmiga hoggaaminta, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay da’yartani hayaan jidkii ay ku gudan lahaayeen waajibka ka saaran qarankooda. Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Maxamed Daahir Axmed iyo wasiir-ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa dhallinyarada kula dardaarmay inay xil iska saaraan waddaniyadda iyo ka qayb-qaadashada horumarka dalkooda, islamarkaana tusaale fiican ay u noqdaan dhammaanba da’yarta reer Somaliland.
Related posts:“Mudane Madaxweyne; Talooyinka WAHAABIYIINTA Sidooda Ha U Wada Qaadane Bal Iska Shaandhee”.Abwaan We... DAAWO;-Ganacsatada Magaalada Burco Oo Cabasho Ka Muujiyay Habka Ay Haayada WFP UQaybiso Qandaraaska ... “Waxaana Dhici Karta In Golaha Guurtidu Ay Go’aankoodii Hore Ku Adkaystaan, Iyo Inay Doorashooyinka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|