Madaxweyne Biixi oo Beri Khudbad Sanadeedkii Distooriga Ahayd U Jeedin Doona Labada Gole | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi oo Beri Khudbad Sanadeedkii Distooriga Ahayd U Jeedin Doona Labada Gole
March 23, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Warar xogogaal ah oo ay helayso Shabakada Wajaalenews, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, maalinta berito ah in uu khudbad sanadeedkii Distooriga ahayd u jeedin doono labada Gole baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada.

Madaxweyne Biixi ayaa fadhi ay wada jir ah yeelan doona labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Sidoo kale Shacabka Somaliland iyo xildhibaadana labada gole ayaa u dheg taagaya arimaha uu Madaxweyne Muuse Biixi khudbadiisa kaga hadlayo.

Dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la filaayo inuu khudbadiisa ku soo hadal qaado khilaafka ku aadan doorashooyinka dalka ka dhaci lahaa oo dood badan ka dhex dhalisay Xisbiyada Qaranka.

Maanta ayay ahayd markii ay kulan saacado qaatay ay wada yeesheen Golaha Guurtida Somaliland iyo Gudida Koomiishanka Dorashooyinka Qaranka,iyagoona Gudida Koomiihsanku cadeeyay inaanay wakhtigoodii ku qabsoomayn Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanku.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS