|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan la qaatay wefti ka socda Hay’adda Caalamiga Ah Ee Laanqayrta Cas Ee (ICRC)
March 19, 2019 - Written by Editor:Hargeisa(W.N):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Hay’adda Caalamiga ah Ee laanqayrta Cas ee (ICRC), oo ay hoggaaminayso agaasimaha Africa u qaabilsan ICRC, Patricia Danzi. Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adda caalamiga ah eeICRC iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay dardar-gelinta xafiiska ICRC ay dhawaan ka furatay gudaha Somaliland iyo sdii laysaga kaashan lahaa deegyada Aas-aasiga & gurmadka deg-dega ah, iyadoo Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland iyo Hay’addu si gaara uga wada shaqayn doona arrimahaasi. Wa-bilaahi Tawfiiq Related posts:“Inta uu Madaxweynuhu Cabdiweli la Hadlayo, waxa ka haboon isagoo Cali Khaliif la hadlo” Xasan Guure Xeerka Uu Baarlamaanku Ansixiyey Haddii Uu Madaxweynuhu Saxeexo Waxa Iman Doonta In Loogu Daato Mada... Halkan ka Daawo: Warkii Caawa ee Bulsho Tv (30 07 2013 Salaasa) waxa Caawa Warka idinla Socodsiinaya... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|