|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Faransiiska Oo Socdaal Ku Maraya Qaarada Africa Iyo Soo Dhawayntii Raysal-wasaaraha Itoobiya.
March 12, 2019 - Written by Editor:Addis Ababa (W,N):Madaxaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo booqasho ku maraya dalal ka mid ah qaarada Bariga Africa isla markaana xalay ka soo degay dalka Jabuuti ayaa waxa uu goor dhaweyd gaadhey dalka Itoobiya. Madaxweynaha Faransiiska waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaraha ee magaalada Lalibela raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed . Socdaalka Madaxwaynaha Faransiiska ayaa ujeedadiisu tahay sidii dawlada faransiisku ay kor ugu qaadi lahayd xidhiidhka ay la leedahaya wadamada qaarada Africa. Madaxwaynaha faransiiska iyo raysal wasaaraha itoobiya ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo arimaha maalgashiga. Waa Markii ugu horeysay ee madaxweynaha Faransiisku yimaado dalka Itoobiya isla markaana waxaa uu madaxweyne Emmanuel Macron oo Itoobiya uga sii gudbi doona dalka Kenya oo uu kaga qeyb gali doono shirka Deegaanka Aduunka.
Related posts:Taliyihii Hore Ciidamada Qaranka Somaliland oo Munaasibada Ciida Hanbalyo U Diray Ciidamada Qaranka,... Wariye Bishaaro Baande Oo Warbixin Xasaasiya Ka Diyaarisay Madaxtooyada Jsl Iyo Tirada Mashaariicda ... Daawo ,Madaxwayne kuxigeenka Maamul puthland oo Somaliland ku ee deeyay Marwalba oo ay Taleex Soo Ga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|