Madaafiic Lagu Weeraray Madaxtooyada Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaafiic Lagu Weeraray Madaxtooyada Soomaaliya
March 2, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Ilaa shan madfac oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha ayaa qaar ka mid ah la sheegay in ay ku dhaceen gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ay degan yihiin madaxda ugu sareysa dalkaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaa in saddex madfac ay ku dhaceen qeybo ka mid ah madaxtooyada, halka kuwa kalana ay ku dhaceen xaafaddaha ku hareereysa madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale mid ka mid ah madaafiicda ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhacay dhismaha xarunta Wasaarada  Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee Tiyaatarka.

Saraakiil ka tirsan laamaha  ammaanka ayaa ku baxay goobaha laga soo tuuray madaafiicda ayaa wali wax faah faahin ah bixin oo la xidhiidha bal haddii ay ogaadeen xogta madaafiicdan maanta lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan , waxaana khal khal uu ku abuurtay qeybo kamid ah xarunta Madaxtooytada Soomaaliya oo lagu kala cararay dhismayaasha shubka ah.

 

COMMENTS
LINKS