Maamul Goboleedka Puntland oo Iska Fogeeyay In Maleeshiyaad Beeleed Ka Amar Qaataa Ay Dagaal Ku Soo Qaadeen Ciidamada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamul Goboleedka Puntland oo Iska Fogeeyay In Maleeshiyaad Beeleed Ka Amar Qaataa Ay Dagaal Ku Soo Qaadeen Ciidamada Somaliland
March 5, 2019 - Written by Reporter:

Garowe (WJN)- Maamulka goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa iska fogeeyay eedo uga timid dawlada Somaliland, oo ahayd in Puntland ay ka dambeysay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Ganbadha.

Somaliland ayaa ku eedeysay maamul goboleedka Puntland in ay soo abaabushay dagaalkaasi oo shalay ka dhacay deegaankaasi Ganbadha oo qiyaastii 30 kiilo-mitir u jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Somaliland waxay sheegtay in dagaalkaasi ay ku soo qaadeen maleeshiyaad ay taageerto Puntland.

Haseyeeshee wasiirka warfaaafinta maamul goboleedka Puntland Cali Xasan Axmad oo goor dhawayd la hadley idaacada BBC-da, ayaa sheegay in Puntland ayna wax lug ah ku lahayn dagaalkaasi.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS