|
|||||
WAJAALE NEWS
Laba Arrimood Oo Farmaajo Ku Kelifay Wada-hadalada Kenya!
March 8, 2019 - Written by Editor:Hargaysa(W,N) Dhawaan Ayay ahayd markii magaalada Nairobi Ay kulmeen madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo uu dhexdhexaadinayo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed. War qoraal ah oo ay villa Somalia soo dhigtay baraha bulshada waxa ay sheegtay inay Kenya isla garteen in la soo celiyo xidhiidhkii diblomaasiyadeed. Kenya wax war ah kama ay soo saarin, balse TV-ga dawladda Itoobiya oo xiganaya Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi Abiye Axmed waxa uu sheegay in labada dal ku heshiiyeen arrinta xadka Badda in lagu dhameeyo wada hadal. https://youtu.be/gudrXLNXUgw Waxaa lagu yidhi warkani “Labada dal waxay ku heshiiyeen in khilaafka dhinaca badda ah ee u dhaxeeya lagu dhameeyo xal diblomaasiyadeed oo keli ah” Hase yeeshee arrintani dad badan oo Soomaaliya ah ayaa ka biyo diiday, waxaanay ku tilmaameen mid sharci darro ah. Isweydiintu waxay tahay maxaa madaxweynaha Somalia ku kelifay inuu aqbalo soo jeedinta Kenya?. Qaar ka mid ah dadka ka faalood arrimaha xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Somalia iyo Kenya ayaa sheegay in ay sababtu la xidhiidho in ay Kenya ogaatay in warqadda jawaab celinta ah ee ay Somalia u dirtay maxkamadda caalamiga ah ee ay kaga adkaatay is-hortaag ay dacwadeeda ku samaysay dawladda Kenya maxkamadda ICJ-da ay u cuskatay inay tahay dawlad madax banaan oo xorriyadeeda Ingiriiska ka qaadatay 26-kii June 1960-kii, isla markaana file-keeda laga diiwaangeliyay 23-kii June 1960-kii, filkani oo ah kii ay dawladda Ingiriisku maxkamadda caalamiga ah kaga diiwaangelisay madax banaanida Somaliland. (halkani linkiga ka eega http://webcache.googleusercontent.com/search?q=cache:e6IptTgdHnoJ:www.somalilandlaw.com/state_of_somaliland_1960.html+&cd=1&hl=en&ct=clnk&gl=so ujeedada ay Kenya ka leedahay warsaxaafadeedkani ayaa ah inay xeerkaasi Afrika u hogaansanto oo ay waydo Somaliland iyo inay aqbasho arrinta badda ee u dhaxaysa Kenya in wada hadal lagu dhameeyo oo Somaliland haysato. Balse maalmaha soo socda ayaynu ogaan doonaa waxa dhaca. WAJAALENEWS DESK HARGAYSA OFFICE WAJAALE STAFF. EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Madaxweynaha Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Magaaladda Hargeysa Loogu Sameeyay Xildhibaan Dhugad Culimada Magaalada Boorama Oo Ka Digay Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Karta Isku Milanka Siyaasada Iyo Qa... “Hadii La Doonayo Somaliland In Muranka Doorashooyinka Ee Soo Noq Noqday, Uu Meesha Ka Baxo, Waa In ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|