“Ku Celcelinta Dib U Midaynta Somaliland & Somalia, Waxa Laga Yaabaa Inay Dib U Soo Celiso Qalalaasihii Dagaaladii ka Dhacay Dhulka Somalida Itoobiya 1977 Iyo 1978” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ku Celcelinta Dib U Midaynta Somaliland & Somalia, Waxa Laga Yaabaa Inay Dib U Soo Celiso Qalalaasihii Dagaaladii ka Dhacay Dhulka Somalida Itoobiya 1977 Iyo 1978”
March 7, 2019 - Written by Editor:

Hargaysa(W,N) Mr. Hassan Cher Hared, secretary of the Postmen’s Trade Union of Djibouti oo ah xoghayihii hore ee dalladda ururada shaqaalaha iyo xirfadlayaasha ee Djibouti degana  dalka debadisa gaar ahaana dalalka Canada iyo Switzerland isla markaana ah qoraa ka faalooda arrimaha gobolka Geeska Afrika, isla markaana ah siyaasi ka tirsan isbahaysiga mucaaradka ah ee Djibouti ayaa warbixin uu kaga hadlayo xaalada geeska Africa ku daabacay wargays kasoo baxa dalka faransiiska wuxuu diirada ku saaray

Sida ay lagama maarmaan utahay in Somaliland lagu maamuuso aqoonsi Si xal looga gaadho xaalada siyaasadeed ee somaliya ay haboon tahay wadamada reer galbeedku in ay siyaasada ku waajahan somaliya fiiro gaara ugu yeeshaan arinta Somaliland,

Qoraalkan oo ku qornaa afka faransiiska ayaa jurjumaad lagu sameeyay ay udhignayd sidan;

Maraykanka iyo guud ahaan siyaasadda reer galbeedka ee ku waajahan Somalia waxay ku salaysan tahay in la helo dawlad dhexe oo awood leh, isla markaana hanata maamulka dhulkeeda, taasina waxay ahayd siyaasad ay muddo tobanaan sannadood ah ku dhaqmayeen jiilasha go’aamadda gaadhaa. Balse arrintani waa hal bacaad lagu lisay.

Ujeedadu waxay tahay ku talinta Somaliland oo ah waqooyiga isla markaana ammaan ahayd ilaa 1991-kii. Isla markaana ka madax banaanayd Muqdisho iyo maamulka dawladeedaba . inkasta oo ay tahay qabiil, oo aanay ahayn qoomiyad ahaan ay ku kala duwan yihiin Somalia aragtida ah waa in qoomiyadu qeexdo qaranka , waa mid dhalanteed ah, balse aan noqon karin lagama maarmaan.

Waxa jira qoomiyado badan oo ay midayso luuqadda iyo qoomiyadnimadu, balse wadamo kala duwan ah, waxa jira laba tusaale, (Maldova iyo r Romania); Albanias (Kosovo iyo qaybta kale ee Albania) intaasi oo keli ah maahee waxa jira oo kale in ka badan 20 dal oo carbeed.

Arrinta 2-aadna xataa haddiiba ay Muqdisho ku guulaysato inay hantido Somaliland u saamixi mayso inay midayso amaba isku keento Somalida kale ee ku kala nool afarta dal ee kale, sida  Kurdida oo kale Soomaalidu waxay ku nool yihiin Djibouti qayb ahaan, Ethiopia gobolka la yidhaahdo Ogaadeeniya iyo waliba waqooyiga bari ee dalka Kenya ee la odhan jirey – NFD.

Ku celcelinta dib u midaynta Somaliland iyo Somalia waxa laga yaabaa inay dib u soo celiso qalalaasihii hore ee keenay dagaaladii ka dhacay dhulka Soomaalida Itoobiya sannadihii f 1977 iyo 1978, taasi oo ka bilaabantay markii ay Somalia weerartay Itoobiya, si ay u qaadato dhulka Soomaalidu degto, taasi oo kulmisay dhinacyadii dagaalkii qaboobaa.

Sidoo kale marka intaasi lagu daro xaaladda hadda ka taagan Kenya iyo Somalia waxa laga yaabaa inay dib u soo cusoonaysiiso sheegashadii Somalia.

Hogaamiyayaasha siyaasadda go’aanka ka gaadhaa waxa laga yaabaa inay ku guulaystaan in dib loo soo celiyo siyaasaddii siyaasadda juquraafiyadda  (geopolitics) ee gobolka geeska Afrika ee ahayd inay sameeyaan dawlad awood badan oo Muqdisho xarunteedu tahay – sida in lagu keeno hab federal ah oo wax ka tarta degenaashaha gobolka. Siyaasaddase ugu wanaagsani waa in la abaal mariyo gobolada nabadda iyo degenaasha keenay  waxaana lagama maarmaan ah in madax banaani lagu abaal mariyo ayuu yidhi ex xoghayihii ururka shaqaalaha jabuuti Mr Hassan,

HALKAN KA EEG LINK WARKAN;

Somalie : La création des états somaliens de la Corne de l’Afrique est une option possible dans la nouvelle donne géopolitique de la région.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF REPORT.

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS