Israa’iil oo Fulisay Weerarro Ay Ku Bartilmaameed Sanayso Goobo Ay Xamaas Ku Leedahay Marinka Qaza | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Israa’iil oo Fulisay Weerarro Ay Ku Bartilmaameed Sanayso Goobo Ay Xamaas Ku Leedahay Marinka Qaza
March 26, 2019 - Written by Reporter:

Qaza (WJN)- Israa’iil ayaa fulisay weerarro ay ku bartilmaameed sanayso goobo ay Xamaas ku leedahay marinka Qaza, saacado ka dib markii gantaal uu ku soo dhacay guri ku yaalla waqooyiga Tel Aviv.

Ciidammada Difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay in bartilmaameedka ay weerareen ay ka mid ahaayeen xafiiska madaxa siyaasadda ee Xamaas iyo xarunta sirdoonka ee ururkaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in toddobo ruux ay ku dhaawacmeen weerarradaas.

Ciidammada Difaaca ee Israa’iil ayaa mar hore ku eedeeyay in Xamaas oo Qaza maamusha ay gantaallo ku soo riday bulshada Israa’iil ee ku sugan Mishmeret, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen toddobo ruux.

“Israa’iil u dulqaadan mayso arrintaas, una dulqaadan maayo arrintaas,” ayuu yidhi Ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu oo saxafiyiin kula hadlay magaalad Washignton, hadalkaas ayuuna sheegay intii ay socotay xafladda loo qabtay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu si rasmi ah ugu aqoonsaday in Israa’iil u madaxbanaan tahay buuraha Golan Heights oo Israa’iil ay ka qabsatay Suuriya markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe ee sannadkii 1967-dii.

“Israa’iil awood ayay kaga jawaabi doontaa weerarkan aan loo meeldayin,” ayuu intaas ku sii daray Netanyahu oo soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay Maraykanka.

Trump ayaa weerarkaas cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay “mid nacayb ku salaysan” wuxuuna intaas ku daray in Maraykanku “uu aqoonsan yahay xaqa aan gorgortanka lahayn ee Israa’iil ay u leedahay in ay is difaacdo”.

Ilaa iyo hadda ma jirto koox Falastiiniyiin ah oo sheegatay in ay weerarka gantaallada ka dambaysay. Masuul Xamaas u hadlay oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay “in aysan xiiso u qabin” in ay arrintaas sameeyaan.

COMMENTS
LINKS