Hay’adda UNHCR oo Somaliland Ku Ammaantay Daryeelka Qaxoontiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda UNHCR oo Somaliland Ku Ammaantay Daryeelka Qaxoontiga
March 23, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNHCR ee Somaliland, Ms. Sarah Khan iyo u qaabilsanaha Hay’adda ee Qaxoontiga Magaalada Berbera Mr. Rooble Cawaale.

Madaxa Hay’adda UNHCR, Ms. Sarah Khan ayaa Dawladda Somaliland ku ammaantay qaabka ay usoo dhaweeyeen qaxoontiga ka yimi Waddanka Yemen ee Colaaduhu saameeyeen, waxaanay sheegtay in ay Somaliland ku qaabishay hanaan wanaagsan oo Binu- aadamnimo, islamarkaana ay u samaysay is dhex-gal dadka qaxoontiga ah iyo dadka reer Somaliland, iyadoo ay sheegtay in Dawladda Somaliland muujisay xilna iska saartay daryeelka qaxoontiga magan galyada ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo ay xustay inay tahay tusaale fiican oo indhaha caalamku soo jiitay, iyaguna ka hay’add ahaan ay aad ula dhacsan yihiin.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa uga mahad celiyey booqshada ay ugu yimaadeen, isagoo uga waramay qaabka ay ka dawladd ahaan ula macaamilaan Qaxoontiga waddanka jooga, sidoo kalena u sheegay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo wax loogu qabto dadkaasi colaaduhu soo barakiciyeen ee qaxoontiga ah.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS