Hadalkii Safiirka Somaliland Ufadhiya Itoobiya Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Galaafto Xidhiidhka Somaliland Iyo DDSI + Dareenada Ku Xeeran!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadalkii Safiirka Somaliland Ufadhiya Itoobiya Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Galaafto Xidhiidhka Somaliland Iyo DDSI + Dareenada Ku Xeeran!.
March 11, 2019 - Written by Editor:

Maxaa Keenay In Safiira Axmed Cigaal ka Hor Yimaado Siyaasada Dawlada Somaliland Kuna Dhex Milmo Khilaafka Qabaa,ilka Deegaanka Somalida Itoobiya?

HARGAYSA(W,N)-Safiirka Somaliland Ufadhiya dalka itoobiya oo Dhawaan shir jaraa.id ku Qabtay magaalada Hargaysa ayaa Sicad uga hor yimid Mawqifkii xukuumada somaliland  ka qaadatay shirkii beelaha dir uga qabsoomay magaalada adis ababa kaasi Oo iyana dhinacooda ay ka horyimaadeen madaxda ismaamulka Somalida Itoobiya.

Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa Shirkaasi ku Tilmaamay Mid Cid Aan Deegaanka Udhalanin wadaan bulshada wada degta Ismaamulka Somalidana  Lagu kala Qaybinayo.

Labada Mawqif Ee Somaliland Iyo Madaxda DDSI ka Qaateen Shirka Beelaha Direed ayaa Waxaa si cad uga hor yimid Gaar Ahaan go,aankii xukuumada Somaliland Safiirka  Axmed Cigaal Isagoo dhanka kale shaaciyay in beesha dir Aqlabiyad ka tahay deegaanka somalida itoobiya, Taasi oo shaki galisay mawqifkii xukuumada banaankana keentay xidhiidhka madax-dhaqameedkii Somaliland ka tagay ee ka qaybgalay shirkan iyo doorka uu ku leeyahay safiirka Somaliland ufadhiya Itoobiya.

Sidoo kale Hadalka safiirka ayaa noqday mid saamayn togan ku keeni kara xidhiidhka dawlada somaliland iyo ismaamulka somalida itoobiya oo tan iyo wakhtigii ay talada qabatay xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne mustafe cagjar ahaa   mid aad u wanaagsan xidhiidhka Somaliland ka dhexeeya.

Waxaana xusid mudan in madaxwaynaha DDSI uu todobaad ka hor  somaliland ku yimid safar kaasi oo ujeedadiisu ahayd ka qaybgalka dhagax dhiga dhismaha  wadada isku xidhaysa Somaliland iyo itoobiya iyadoo horena madaxwayne muuse  biixi iyo madaxwayne mustafe cagjar ay ku kulmeen magaalo xuduudeedka wajaale meel fiicana uu marayo xidhiidhka labada dalka.

Dhanka kale hadalka safiirka iyo  ka dhex muuqashada khilaafka qabaa,ilka wada dega deegaanka somalida ayaa xiligan umuuqda mid dhaawac siyaasadeed ku keeri kara xidhiidhka Somaliland iyo DDSI kaasi khatar ku ah  shacabka ku kala nool Somaliland iyo itoobiya haday tahay mid ganacsi iyo mid  abniba iyadoo xuduuda ay wadaagaan tahay mid aad u balaadhan,

Xukuumada Somaliland ayaan wali wax talaabo ah   ka qaadin hadalka iyo ficilada safiirka ujooga itoobiya kaasi oo xiligan umuuqda mid laga cabsi qabo in uu kala foogeeyo labada dal

Sikasta ha ahaatee wallow dadka siyaasada sida dhaw ula socdaan arinta safiirka ku tilmaameen mid u adeegaysa cid aan jeclay xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya hadana waxaa laga War sugi doonaa ficilka ay kaga dareen celiso xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne muuse biixi .

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF REPORT.

 

 

COMMENTS
LINKS