|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo Sheegay In Aanay Jirin Sabab Ay Isku Casilaan
March 26, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir iimaan ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha dalladda aan dawliga ahayn ee SONSAF oo soo jeedisay inay guddida doorashooyinku is casilaan. Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in muddo xileedkoodu aanu ka dhamaan, isla markaana aanay jirin sabab ay isku casilaan, waxaanu ku eedeeyey gudoomiyaha dalladda aan dawliga ahayn ee SONSAF inay ka hor yimid xeerarka dalka u yaalla oo isagoo xog ka helin dhinacyadii ay khuseysay warbaahinta ka sheegay inay kuraasta baneeyaan guddida doorashooyinka. “waxa ka muuqatay gudoomiyaha dalada Sonsaf caqabadaha hor yaalla inay doorasho dhacdo inaanu fahansanayn, waxa doorashada loo mudeeyey 12 December 2019-ka, guddida doorashooyinku wuxuu ku aasaasan yahay sharci iyo xeerar aan la baalmari Karin.”ayuu yidhi gudoomiye iimaan oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay dallada ururada bulshada. Waxaanu intaas raaciyey “Gudoomiyaha dalada aan dawliga ahayn ee SONSAF waxa uu leeyahay guddi aan mudo xileedkoodu dhamaan ha baneeyaan kuraasta, iyagu maaha kuwo lagaga tashanayo arrimaha komishanka doorashooyinka waxay ahayd inuu garto xeyn daabka sharci ee isaga ku hareeraysan.” Sidoo kale, gudoomiye Iimaan waxa uu sheegay inuu ka been abuurtay gudoomiyaha gudoomiyaha dalladda SONSAF dhinacyaddii ay komishanka doorashooyinku la kulmeen sida gudoomiyaha guurtidda, madaxweynaha iyo xisbiyadda qaranka, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Wuxuu been fariimay gudoomiyaa golaha guurridda oo hadal aanu odhan ka yidhi , guddida doorashooyinka wuu been fariimay, wuxuu yidhi xisbiyadu wada shaqayn lama laha guddida doorashooyinka isaga waxaas oo dhan laga raba inuu cadeeyo halka uu ka keenay” Dalladda aan dawliga ahayn ee ururada bulshada ee loo yaqaan SONSAF ayaa soo jeediyey in guddidia doorashooyinku is casileen si loo soo magacaabo guddi cusub oo doorashada dambe hirgaliya, haseyeeshee guddida doorashooyinka ayaa ku dooday in aanay wali dhamaan muddo xileedkoodda sidaas darteed aanay isku casili Karin. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Z2Nv5BGgKX8 Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Warbaahinta Uga Digtay Baahinta Warar Iska Horkeenaya Bulshada Ee Arimaha Ma... DAAWO;-Barnaamij Laga Diyaariyay 10sano Guuradii Xisbiga Wadani Iyo Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu ... 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐠𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐫𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐞𝐞 ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|