Gudoomiyaha Shirkada Sagal Jet Ee Wajaale oo Shaaciyey inay Qiimo-dhimis U Samaynayaan Meherada Boodhadhkii Hore Ka Caddaadeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Shirkada Sagal Jet Ee Wajaale oo Shaaciyey inay Qiimo-dhimis U Samaynayaan Meherada Boodhadhkii Hore Ka Caddaadeen
March 26, 2019 - Written by Reporter:

Tog Wajaale (WJN)- Guddoomiyaha shirkada daabacada casriga ah ee Sagal Jet qaybteeda magaalo ganacsiyeedka Tog Wajaale Cabdi Yuusf oo ay weheliyaan qaar ka mida shaqaalaha Shirkadaasi, ayaa kormeeray suuqyada ganacsiga ee magaalada Wajaale.

 Sidoo kale Guddoomiyaha shirkada Sagal Jet ee Wajaale iyo shaqaale weynaha shirkadaasi oo kormeeray dhamaan goobaha Ganacsiga kala duwan ee magaalo ganacsiyeedka Wajaale ayaa ujeedka kormeerkoodu ahaa indho indhayn la xidhiidha sidii ay Discount ugu samayn lahaayeen meheradaha ganacsiga ee uu ka cadaaday boodhka bacda ee ay shirkadu u samayso.

Guddoomiyaha shirkada daabacada Sagal Jet ee magaalada Wajaale Cabdi Yuusuf ayaa ugu baaqay dhamaan goobaha ganacsiga kala duwan iyo shacabka magaalada ay warbixntan hayn inay ay la soo xidhiidhaan xafiiska maamulka shirkada ee Wajaale.”Macmiil hadduu Boodhku ka Cadaday(Bacda), waxaan Samaynayna BigDiscount Fadlan nala soo Xidhidh mahadsanidiin, Suuqa Dhan walba waanu soo marnay Macmiilka aan warbixinta hayn waxaan ogaysinaynaa inuu sida ula socdo idin diyaar baanu nahay markasta.”ayuu yidhi gudoomiyaha Shirkada Sagal Jet ee Wajaale Cabdi Yuusuf.

Wajaalenews Desk

Tog Wajaale Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS